Hargeysa(ANN)Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sharaxaad ka bixiyay Odoroska miisaaniyada qaranka ee sannadka 2012, kadib markii uu maanta hortegey fadhigii golaha wakiilada oo shalay loo qaybiyay miisaaniyada.Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed
Cabdullaahi ayaa Mudanayaasha ku wargeliyay fadhigii maanta inay warbixin ka dhegaysteen Wasiirka Maaliyada iyo saraakiisha wasaarada, si ay sharaxaad uga siiyaan mudanayaasha.
Eng. Maxamed Xaashi waxa uu ka hadlay korodhka sannadkan ee Odoroska miisaaniyada, wuxuuna xusay inay ku dedaaleen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen cashuuraha Beriga oo uu tilmaamay inay yihiin dakhliga ugu badan ee dalka soo gala.
Wasiirka Maaliyadu waxa uu sheegay in qorshayaashooda ugu waawayn ay ka mid tahay sidii ay shaqaalaha iyo ciidamada qaranka ugu kordhin lahayeen markale mushaharka, isagoo yidhi, “Waxaanu kordhinay dakhli soo saarkii, waxaanu samaynay diiwaangelin. Dhibaatooyinka yaallay waxa ka mid ahaa shaqaalaha iyo ciidamada oo mushahar aad u yar qaata, waxaanu isla qaadanay xukuumad ahaaan in ciidamada iyo shaqaalaha ahmiyad wayn la siiyo, markaa waxaanu kordhinay mushaharkii 100%, inkasta oo aanu wali ku filnayn, insha allah waxaanu samayn doonaa kaabis miisaaniyadeed sannadka badhkii haddii ay noo suurogasho si ciidamada iyo shaqaalaha loogu kordhiyo mushaharka.” ayuu yidhi Wasiirku Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi.
Mar uu ka hadlayay dhakhliga gala xarunta Madaxtooyada, waxa uu sheegay inuu qoran yahay kharashkaasi oo madaxweynaha maalinta la badelo uu ka qaadan karo dharkiisa iyo wixii u gaar ah oo keliya, isagoo arrintaa sharaxayana wuxuu yidhi, “ Madaxtooyada qalabkeedu wuu diwaangashan yahay, ilaa malqacada wax lagu cunaa way qoran tahay, maalinta Madaxweynaha la badelo waxa uu qaadan karaa dharkiisa iyo wixii u gaar ah oo keliya. Sidoo kale marka wasiir cusubi yimaado wasiirka uu xilka kala wareegayo wuxuu ka tirsanayaa liis qoran oo hore u yiilay, oo ay ku wada jiraan wixii qalab ahaa iyo wixii uu masuulka ka ahaa si loo hubiyo inaan waxba lumin ama aanu wasiirkaa la bedelay wax ku takri falin.” Ayuu yidhi. Eng. Xaashi
Wasiirka Maaliyada Somaliland oo si kooban uga hadlay sababta Miisaaniyadda oo la filayay in golaha Wakiilada la hordhigo bishii December ee sannadkii hore, waxa uu yidhi, “ Miisaaniyadan aan maanta idiin keenay ee 2012 habsan yar baa ku yimi, oo waxa ay ahayd in December laydiin keeno, habsankaa waxa sababay tirakoobkii ciidamada Qaranka, hadday yihiin ciidanka milatariga , Booliska , Asluubta, Ciidanka Badda iyo ka Madaxtooyadda , ciidamadaa oo tirakoobkoodii dib u dhacay, qayb weyna ka qaata miisaaniyada, ayaa dib noo riixay sida runta ah. laakiin waanu ka soo horaynay sidii dhici jirtay”ayuu yidhi.
Eng Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu sheegay inay xukuumad ahaan fuliyeen inta baddan balanqaadyadii madaxweynuhu balanqaaday, isagoo tusaale usoo qaatay, kordhinta mushaharooyinka, Dugsiyada hoose dhexe oo ay lacag la’aan ka dhigeen, Lacagtii laga bedelay Burco iyo waxyaabo kale.
Dhinaca kale Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Maxamed Cabdi Bedde iyo Agaasimaha Guud Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Maaliyada oo la socday wasiirka markii uu maanta golaha wakiilada horyimi ayaa dhinacooda sharaxaad ka bixiyay heerarkii ay soo martay miisaaniyadu iyo sida ay u korodhay intii Xukuumadda cusubi jirtay, iyagoo xusay saraakiishaasi in sannad kasta ay wax ku kordhayeen miisaaniyada, isla markaana sannadki u dambeeyay ay Odoroska miiyasaaniyadu korodhay 21%.
Sidoo kale waxay Xisaabiyaha guud iyo Agaasimaha waaxda qorshayntu xuseen in hay’addihii madaxa banaanaa dhamaantood miisaaniyadoodu la socoto sannadka 2012, sida madbacada qaranka wakaaladaha Biyaha, Dekeda Berbera iyo Wakaaladda Korontada.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com