Hargeysa(ANN)Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbi Muxaafidka KULMIYE , Dr. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa kulul u canbaareeyay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa oo uu ku tilmaamay mid ay ku hungoobeen dadku oo aanay ka helin wixii ay ku doorteen, isagoo dhinaca
kalena ku sifeeyay mid musuq-maasiqii lagu eedaynayay xukuumaddii hore bara dhaafisay.
Sidoo kalena waxa uu Dr. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka hadlay iscasiladdii Agaasimahii guud ee wasaaradda arimaha dibadda Maxamuud Raage oo uu sheegay in iscasilaadda agaasimahani ay ka dhalatay musuq-maasuqa hadheeyay xukuumadda uu hogaaminayo Siilaanyo ee xisbigooda KUlmiye.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee KULMIYE Dr. Cabhdiraxmaan Cabdiqaadir waxa eedahaa iyo dhaliilo kaleba ka sheegay mar uu maanta shir jaraa’id ku qabtay hotelka Corwn ee Caasiamda Hargeysa.
“Xukuumada talladda haysaa ay ka dagaalantay musuq-maasuqa, balse nasiib darro waxay tahay in maanta lagu xanto musuq-maasuqii ay ka dagaalamaysay markii ay Mucaaridka ahayd muddo ka baddan sideed sanno . dadka qaarkood oo weliba kulmiye dadkii ahaa ee aadka ahaa,waxay aaaminsan yihiin musuqmaasuqii aanu ka dagaalamaynay ,oo aanu sideeda sanadood ka qaylinaynay inuu maanta isagoo kasiibatay mooyaane inaanuu kayaraan, agaasimaha guud ee iscasilay sheekadii wuu bedelay wuxuu inoo sheegay inuu xaqiiiq hayo, inuu waxla taabto hayo, inuu warqado hayo , inuu documents-yo hayo inuu qodobayn karayo wixii lalunsaday iyo sidii loo lunsaday iyo halkiii lamariyay wax danboo markaa la iska indho tiri karayaay majirto waxa loo baahanyahay arintii inaan la denbabasin(la daadifayn), ee laga badheedho oo labaadho ,oo haddii laga maarmi waayo hay’addo caalamiya way jiraane kuwo halkan ka shaqeeyaa oo waxaa baadhaa loo diro oo dib loo baadho oo arintaa laga baraaan dego oo lasoo xaqiijiyo, ama la beeneeyo.” Ayuu yidhi C/raxmaan C/qaadir.
“ In la yidhaahdo dawladii odhad bay dirtoo baadhaya, sheekadaasi sheeko iibsamaysa maaha dawladu waata la baadhayaa , odhet kayagiibaa soo saxeexoo yidhi , “waxba majiraan” cid idinka akhrisanaysaa ma jirto baadhis caalamiya baa loo baahanyahay” ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga kulmiye.
Sidoo kale waxa uu baaq u soo jeediyay Madaxweyne Siilaanyo, isagoo yidhi, “Madaxweynaha waxaan leeyahay magac iyo sharaf baad ku timi dadkii kuu codeeyey maanta hadaad cod u qaadid umalayn maayo 20%, inaad ka helay waana xaqiiqda taasi , dadkii aad iyo aad ayay u niyad jabsanyihiin wixii ay filanayeen iyo wax udhow toona may helin maamulxumo iyo jaahwareer baa ku jira xukuumadda ”.
Dhanka kale Dr. Cabdiraxmaan Cabduqaadir wuxuu ka hadlay shirka dhowaan ka dhici doona magaaladda London, isagoo yidhi, “anigu shaqsiyan waxaan ahaa dadkii lahaa shirkaas yaan la tegin, sababtaan u lahaana mid keliya ayay ahayd , mid aan Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ka bartay ,casharaan qaatay isagu markuu gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahaa bay ahayd, wuxuuna had iyo goor na odhan jiray oo nagu gubaabin jiray shir aanad garanaynin waxa kasoo baxaya lama tago , markaa waxaan lahaa waar hadii aynaan hubin bahalkii wax faa’ido ee inoogu jira waar bilaw waraabe inaga soo baxaa, go’aanka waxaan u daynayaa dawladda, dawladii waxay go’aansatay inay tago, iyadoo ku qanacday inay ku jirto Somaliland danteedu waana ku taageeraynaa markaa waynu ugu ducaynaynaa illaahay waxaanu ka baryaynaa inay ku guulaysato”
Gudoomiye kuxigeenka xisbiga kulmiye waxa kaloo uu ka hadlay xaaladda deegaanka Buuhoolle, isagoo yidhi, “dagaalka waxa keenay fashilaad taasina waxay ahayd shirkii taleex lagu qabtay wax khaatumo loo bixiyayna laga sameeyay arin inaga hoosbaxday ayay ahayd shirkaas waynu ogayn inuu soo socdo waynu ogayn dadkii ka qayb galayay Berebera iyo Hargaysa ayay kasoo degeen, Punt land way diiday shirkaas laakiin inagu waynu tageernay waxaynuna iska dhaadhicinay iyo cid inagu tidhi garan maayee shirkaasi waa shir dadka deegaanku arimehooda khusuusiga ah kaga hadlayaan, waar mameesha Cali Khaliif Galaydh iyo Cali Ciise baa lagaga tashanayaa dan dadka deegaanka ahna lagaga tashan maayo” ayuu yidhi Dr. C/raxmaan C/qaadir.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com