Hargeysa(ANN)Taliyaha Cusub ee Ciidanka Qaranka Somaliland General Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle) iyo Abaanduulaha cusub ee ciidanka Qaranka Somaliland Col. C/llaahi Xaaji Jaamac (Calas), ayaaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay Talyihii Horre ee Ciidanka Qaranka Somaliland
Maxamed Cabdullaahi Xasan (Jidhif) iyo abaanduulihii hore Caydiid Dhabdhable. ka dib markii uu Madaxweyne Siilaanyo Xilkii ka qaaday Taliyihii hore iyo abaanduulihii ciidanka Khamiistii aynu ka soo gudbnay.
Munaasibada xil wareejinta oo lagu qabtay Taliska guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa ka soo qeyb galay, Wasiirka Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, labadda Taliye iyo labada abaanduule ee xilka la kala wareegay iyo xubno ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Qaranka.
Xil wareejinta masuuliyiintaa ayaa ahayd mid aan warbaahinta loo ogolayn oo aanay goob joog ka ahayn, taas oo aan hore loogu baran, balse wasiirka gaashaandhiga ayaa arrintaa ku tilmaamay inaanay mihiim ahayn inay warbaahintu ka qaybgasho maadaama ay arrimo ciidan tahay, wuxuuna xusay inay si fiican u dhacday xil waraajinta masuuliyiintaa ciidanka qaranka ee uu xilka u kala wareejiyay wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com