Tripoli (ANN) Mudaharaadyo rabshado wata ayaa dalka Libya dib uga bilaamay, kuwaas oo sababay inuu is casilo hogaamiye ku xigeenkii golaha ku meelgaadhka ah Mr. Cabdelxafiid Ghoga. Kadib markii Dad u badan ardayda jaacaddaha iyo haween oo mudaharaadyo ka bilaabay
dhawrkii maalmood ee u danbeeyay ay gacanta ula tageen hogaamiyahaa oo ku sugnaa xarunta Golaha Qaranka ee Bengasi.Debedbaxyadaa ayaa ka danbeeyay cabashooyin ka dhashay dadkii ku waxyeeloobay kacdoonadii iyo dagaalkii xukunka laga tuuray hogaamiyihii hore ee Libya Mucmar Al-qadafi, waxayna dadku dalbanyeen in la qabto doorashooyin iyo dalka lgu xukumo shareecada Islaamka.
Banaanbaxyadaa oo ka dhacay magaalooyinka Tripoli iyo Bengasi ayaa rabshado isu bedeley, iyadoo ay kumanaan qof oo cadhaysani weerareen xafiisyada golaha ku meelgaadhka ah ee Bangasi, halkaas oo ay gamacohooda ula tageen dadkaa cadhaysani hogaamiye xigeenka dalka Libya ee golaha ku meelgaadhka ah. Mr. Cabdelxafiid Ghoga, kaas oo rabshadahaa kadib sheegay inuu xilka iska casilay, isla markaana sheegay inay mushkilado badani horyaalaan golohooda aanu waxba ka qabankarayn.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com