Garoowe(ANN) Laba xubnood oo ka mid ahaa kooxda hogaaminaysay shirkii burburay ee Taleex ayaa qaab tahriib ah ku galay magaalada Garoowe ee xudunta maamul goboleedka Somalia ee Puntland.
Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews ka heshay dhinaca magaalada Garoowe ayaa sheegay in labadaa xubnood oo ka tirsanaa kooxda G6 (gudida lixda ah) oo gadhwadeenka ka ahaa shirkaa ay shalay ka baxeen magaalada Taleex. Kadib markii ciidamada Qaranka Somaliland ka caydhiyeen malayshiyada nabaddiidka ee SSC, magaalada Buuhoodle oo xudun u ahayd, taas oo keentay in lagu kala yaaco shirkii ka socday halkaa iyadoo aan wax go’aan ah laysla meel dhigin.
Labadaa xubnood oo kala ahaa Jaamac Abshir oo ku magacdheer (Juxa) iyo Cali Xaaji Cige, ayaa wararka qaar sheegayaan inay si dhuumasho ah kusoo galeen xalay caweyskii (habeen hore), Degmada Yagoori oo dhinaca waqooyi ka xigta Laascaanood, kuwaas oo doonayay inay si qarsoodi ah ugu gudbaan dhinaca magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa si ay ugu laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen, basle ciidanka Booliska Solamliland ayaa ka war helay labadaa xubnood, kuwaas oo doonayay inay gacanta ku dhigaan. Laakiin may suurta gelin inay gacanta ku dhigaan, iyadoo markii ay ka warheleen ciidanka si qarsoodi ah looga saaray magaalada, isla markaana meel ka baxasan magaalada Yagoori la geeyay, halkaas oo gaadhi si qarsoodi ah loogu saaray dhinaca Garoowe oo ay xalay gaadheen.
Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka Taleex ayaa sheegaya in Hogaamiyaha kooxda shirkaa Cali Khaliif Galaydh oo aan si cad loo hayn halka uu ku suganyahay, basle jiraan tibaaxo sheegaya inuu qorshaynayo sidii uu uga bixi lahaa Deegaanka Taleex, isla markaana ugu gudbi lahaa dhinaca xadka Ethiopia ee uu soo maray safarkiisa hore, balse ay soo waajahday xaalad cabsiyeed, isagoo ka werwersan sida uu uga talaabi karo deegaankaa oo ay ciidamada Somaliland isku balaadhiyeen. Waxayna wararka la xidhiidha arrimahaasi sheegayaan inuu Mr. Galaydh ugu digay kooxdii ay safarka kuwada tageen Taleex inay maraan deegaamada ay ka taliyaan maamulka Puntland, isla markaana ay ka digtoonaadaan madaarada Garoowe iyo Boosaaso. Digniinta uu Mr. Galaydh siiyay kooxda la socotay ee kala firxaday kadib markii uu burburay shalay shirkii ay ka wadeen degmada Taleex, iyadoo aan wax go’aan ahi kasoo bixin, marka laga reebo dhawaaqii maalmihii lasoo dhaafay ee ahaa inay isla qaateen inay maamul goboleed kaga dhawaaqayaan shirkaa, taas oo meesha ka baxday kadib markii burbur ku yimi. iyadoo ciidanka booliska Somaliland shalay madaarka magaalada Brbera ka qabteen mid ka mid kooxda ka qaybgashay shirkaa oo firxad ku yimi halkaa, isla markaana tirooyin kale oo ka mid ahaa qurbajooga ka qaybgalay shirkaa booliska Somaliland ku raad joogaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com