xoriyada saxaafadu waa lama taabtaan.
Suxufiyiintaa ayaa ka cadhooday kadib markii xukuumadda Somaliland xalay albaabada u laabtay xarunta Telefishanka Horn cable Tv, ee magaalada Hargeysa.
Suxufiyiintaa oo oo tiradoodu gaadhaysay markii ay Boolisku qabteen labaataneeyo ayaa qaarkood lasii daayay mar danbe , balse 15 ka mid ah isla markaana intooda badani yihiin kuwa ka hawlagala Telefishanka Horn cable ee xukuumaddu xarumihii uu ku lahaa hargeysa xidhay habeen hore ayaa weli ku xidhan saldhiga. Ururka suxufiyiinta SOLJA ayaa ku canbaareeyay talaabada ay xukuumaddu ka qaaday suxufiyiintaa oo cabasho mudaharaad ah la hortegey aqalka madaxtooyada saaka subaxnimadii.
Hase yeeshee wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamuud Nuur Carraale (Duur) ayaa ka hadlay sababta ay ciidamada boolisku u xidheen suxufiyiintaa, wuxuuna sheegay inay ku gefeen sharciga iyo qawaaniinta u yaala oo ay ixtiraami waayeen, isla markaana qaarkood laga helay hub ay siteen oo galeen wax aan shaqadooda ahay. “maalmahan intii uu socday shirka Taleex warbaahinteena waad arkaysay oo way buun-buuninayeen, iyagoo miisaan aanu lahayn siinayay shirkaa Taleex, waana gef oo may ixtiraamin qaranimada, shacbigaba iyo nidaamka dawliga ah ee dalka.’ ayuu yidhi.
Wasiirka Arrimaha gudaha waxa uu sheegay inay ciidmada Booliska Somaliland sifo sharci u mareen talaabada ay xukuumaddu ku xidhayay xarumihii Telefishanka Horn cable, balse ay ixtiraami waayeen sharcigii, iyadoo ay socoto baadhis uu sheegay in lagu hayay telefishankaa. Sidaa awgeed aanu jirin sharci ogolaanaya inay shaqayso meherad lagu wado baadhis oo loo haysto denbi.
Dhinaca kale warar la xidhiidha talaabada ay xukuumadda Somaliland ka qaaday telefishankaa ayaa sheegaya in Mulkiilaha telefishanka Horn cable Farxaan Xaaji cali uu maanta madaxtooyada kula kulmay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda oo ay ka wada hadleen xadhiga xarumaha Telefishanka, iyadoo tibaaxo kulankaa kasoo baxay oo hoose sheegayaan inuu mulkiilaha telefishanku garwaaqsaday waxyaabaha lagu eedaynayay horn cable, isla markaana uu balanqaaday inuu saxayo wixii dhinacooda ka khaldamay oo ay raali gelin ka bixinayaan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com