Hogaamiyaha maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolka Geddo, Cabbaas Cabdullaahi oo la hadlay dadweyne kasoo xaadiray goobtii lagu soo bandhigay labadaa nin ayaa sheegay in koox gaar ah oo ka tirsan maleeshiyadooda ay gudaha u galeen Kenya, isla markaana ay si nabdoon ku soo qafaasheen saraakiil Kenyan ah. Sarkaalkaa ayaa ku hanjabay inay sidaa oo kale ay qofkii ay doonaan kaga soo afduuban karaan gudaha Kenya.
Wararka kale ee shebekada Araweelonews ka heshay deegaankaa ayaa sheegaya in salaaddii Jimcaha ee maanta kaddib labada nin iyo nin kale oo Soomaali-Kenyan ah oo aan lagu soo bandhigin isaga fagaaraha loo gudbiyay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay oo ka mid ah deegaanada ay Al-shaabab ka taliso.
Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa maalin ka hor weerar ku qaadday deegaanka lagu magcaabo Gariley oo 7 kmt u jirta xadka Kenya ay la wadaagto Soomaaliya, taas oo ka tirsan degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari- Kenya, waxaana weerarkaasi ay ku dileen lix qof oo ay ku jireen saraakiil ciidanka Kenya, iyagoo afduubtay tiro kale oo ay ku jireen saraakiil Kenyan ah.
Dhinaca kale Sarkaal ka tirsan ciidamada Dawlada taagta daran ee Somalia eek u sugan magaalada Gedo ayaa sheegay in ciidamadooda joogaa deegaanka Faafaxdhuun oo ka tirsan geddo , kuwaas oo ay ku toogteen 5 qof oo ka tirsanaa kooxda al-Shabaab,. inkasta oo sarkaal ka tirsan ciidamada Somalia ee ku sugan halkaa ayaa ku dooday inay dadka ay toogteen ahaayeen koox Al-shabaab ah oo sida uu sheegay doonayay inay miino dhigaan halkaa, basle warar kale ayaa sheegaya inay dadka la toogtay ahaayeen dad shicib ah oo aan ahayn Al-shabaab.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1