Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxaamuud (SIILaanyo) ayaa safar ugu baxaya saacadaha soo socda dalka South Afrika, isagoo ka qaybgelaya munaasibad lagu xusayo sanad guuradii boqolaad ee kasoo wareegtay aasaaskii xisbiga
ANC (African National Congress) ee dalka Koonfur Afrika oo la aasaasay 1912.
Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca madaxtooyada oo sheegaya safarka madaxweynaha Somaliland ku tegayo South Afrika, ujeeda safarkiisa iyo cida ku wehelisa, balse warar u dhuun doloola qasriga Madaxtoyada ayaa u xaqiijiyay shebekada Araweelonews inuu Madaxweyne Siilaanyo baxayo saacadaha soo socda, ama maalamaha fooda inagu soo haya, balse xogo kale oo la xidhiidha safarka Madaxweynaha Somaliland ayaa Araweelonews u sheegay inay suurta galtahay inuu ku beeganayahay safarkiisu maalinta jimcaha.
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ka mid noqonayaa boqol kun oo qof oo hogaamiyayaal, dublamaasiyiin, aqoonyahano iyo ganacsato caan ah oo lagu marti qaaday munaasibada xuska sideetan guurada xisbiga ka taliya dalka south Afrika ee ANC. kuwaas oo ka kala imanaya dacalada dunida. iyadoo xogaha warkan la xidhiidhaa sheegayaan in casuumad rasmi ah loo soo diray Madaxweynaha Somaliland, taas oo fursad weyn u noqonaysa Somaliland.
wixii war kasoo kordha safarka Madaxweynaha kala soco shebekada Araweelonews
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com