Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay shirka Degmada Taleex. Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay deegaanka Shirku ka qabsoomayo ee gobolka Sool soo gaadheen siyaasiyiin magac ku leh deegaanka oo ciidamo dhinaca Ethiopia ka socdaa
soo gelbiyeen.
Waxayna dhaqdhaqaaqyada ugu deanbeeyay ee deegaanka shirka Taleex Xukuumadda Somaliland iyo shacbigaba ku abuureen tuhuno kala duwan oo la xidhiidha natiijadda ka soo bixi doonta shirka la filayo inuu ka furmo degmada Taleex oo ka tirsan Gobolka Sool, maalalamaha fooda inagu soo haya. iyadoo uu madasha shirka soo gaadhay Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ah siyaasi caan ah oo kasoo jeeda deegaanka, isla markaana dawladii Somalia ee carta ka ahaa Raysal wasaare xiligii C/qaasim Salaad Xasan.
Waxa jira warar sheegaya in markii goobta shirka Taleex yimi Dr. Cali Khaliif Galaydh ay soo galbiyeen ciidamo Ethiopian ah. Sidoo kalena ay ergooyinka shirkaa ka mid yihiin siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda deegaanka Sool, sida C/kariim Xasan Jaamac oo wasiir ka ahaa dawladda Sheekh Shariif, balse warar laga soo xigtay masuuliyiinta xukuumadda Somaliland ayaa sheegaya inay xukuumad ahaan ashkato arrintan la xidhiidha u gudbiyeen safiirka Ethiopia u fadhiya magaalada Hargeysa, isla markaana ay dawladda Somaliland ka warsugayso qaabka ciidamadaa Itoobiyaanka ahi hadii ay jiraan u soo galeen ciida Somaliland iyo halka laga soo dirayba.
Shirka Taleex oo hore loo iclaamiyay inuu yahay mid dhaqan oo aan wax shaqo ah ku lahayn siyaasad oo ku kooban danaha bulshada deegaanka Sool iyo Buuhoodle oo keliya, isla markaana ay ka qaybgaleen madaxdhameedyo, aqoonyahano iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaannada Sool iyo Buuhoodle, kuwaasi oo badankoodu magaalada Taleex tagay dhawrkii maalmood ee u danbeeyay. laakiin siyaasiyiinta fekredaha siyaasadeed xanbaarsan ee hada madasha ku sugani abuureen dareen shaki oo calaamatu su’aal saaray natiijada shirkaa.
Hase yeeshee xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegtay inay go’aansatay in aanay wax farogelin ah ku samayn shirkaa. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale ayaa sheegay inay xukuumadda Somaliland soo dhowaynayso shirkasta oo bulshada deegaanku kaga arrinsanayso dhaqanka, wadatashiga iyo horumarinta deegaankooda, isla markaana ka fayaw waxkasta oo kasoo horjeeda Qaranimada, madaxbanaanida, xasiloonida iyo jiritaanka Somaliland.
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo maanta shirjaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, wuxuu isagoo arrimahaa shirka ka hadlaya yidhi, “Somaliland waxay caan ku tahay xasilooni iyo nabadku wada noolaanshaha, inkastoo Somaliland ka guurtay nidaamka beelaha, waxaan caddaynayaa inaan xukuumadda Somaliland waxba kaqabin shirkasta oo beelaha Somaliland kaga arrinsanayaan dhaqan wada tashi iyo horumar, waxaanuna kasoo horjeednaa shirkasta oo kasoo horjeeda nabadgelyada, xasiloonida iyo midnimada Somaliland, anagoo difaacayna nabadgelyada, qaranimada iyo madaxbanaanida Somaliland. “
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Mr. Duur, waxa uu sheegay inay xukuumadda Somaliland talaabo ka qaadayso siyaasiyiinta shirkaa ka qaybgala ee la yimaada feker midnimo Soomaali weyn iyo waxkasta oo kasoo horjeeda qaranimada Somaliland, isagoo yidhi, “Ma yeelayno waxkasta oo wax u dhimaya qaranimada Somaliland, waxa jooga shirkaa siyaasiyiin midnimada Somalia aad ugu ololeeya sida Cali Khaliif, balse dadka deegaanku wixii tabasho ah way usoo jeedin karaan xukuumadda oo diyaar ayaanu u nahay. Laakiin siyaasiyiinta fekerkaa wata waxaanu u sheegaynaa inaanu tallaabo ka qaadayno haddii ay waxaa la yimaadaan.”
Dhinaca kale Ilaa hadda si rasmi ah looma oga natiijadda ka soo bixi doonta shirka Taleex iyo ujeedada ka dambaysaba, balse waxa jira tuhuno ay xukuumadda Somaliland iyo bulshaduba ka qabaan inay shirkaa kasoo baxaan , kuwaas oo saamayn siyaasadeed ku yeelankara qaranimada Somaliland, waxaana jira tibaaxo lala xidhiidhinayo inay suurta galtahay inay kasoo baxaan shirkaa, kuwaas oo nuxur ahaan ku qotoma in shirkaasi ay kasoo baxaan saddex qodob oo kala ah in shirka taleex lagaga dhawaaqayo maamul-goboleed ka madaxbannaan Somaliland iyo Maamul-goboleedka Puntland, waxa kale oo jira in shirkaasi lagu sameeyn doono guddi maamul oo waanwaan la bilaabi doona Somaliland iyo Puntland, iyada oo natiijadda waanwaantaasi ka soo baxdana lagu go’aan qaato iyo qodobka saddexaad oo ah in shirkan ay dabada ka riixaan rag siyaasiyiin ah oo hunguri kursi hayo, kuwaas oo doonaya inay shirka Taleex ka dhigtaan salaan ay xilal kaga raadsadaan dawladda Sheekh Shariif ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho, balse waxa la eegayaa qaabka iyo jawiga uu shirku ku bilaamo oo laga saadaal qaadankaro maalmaha soo socda makra uu furmo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com