Hargeysa(ANN)Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) ayaa raaligelin ka bixiyay cabashooyin dad bukaan ahi la hortageen cusbitaalka guud ee Hargeysa, kuwaas oo ka cadhooday lacag toban dollar ah oo ay sheegeen in laga qaaday, iyagoo doonayay
inay la kulmaan dhakhaatiir u dhashay dalka Iran oo adeegyo caafimaad oo lacag la’aan ah ka fulinaya cisbitaalkaa guud.
Dhakhaatiirtan oo cisbitaalka Hargeysa ka hawl geli doona muddo dhawr maalmood ah waxay u socdaan inay qaliino iyo dawayn bilaash ah u sameeyaan dad ka cabanaya xunuuno kala duwan.
Hase yeeshee dad danyar ah oo awoodi waayay qadar lacageed ee maamulka cisbitaalku ugu tallo galay inay ku diiwaan geliyaan bukaanka doonaya inay la kulmaan dhakhaatiirtaa ajanabiga ah, ayaa maanta cabashadooda gaadhsiiyay wasiirka wasaaradda caafimaadka oo ay u sheegeen inaanay awoodi Karin lacagta adag ee la weydiiyay, waxayna ka dalbadeen inaan dadka danyarta ah laga lumin fursaddan ay heleen.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed, oo la hadlay dadkan oo u badnaa haween ayaa sheegay in arrintani khalad tahay, waxaanu amar ku bixiyay in dadkii laga qaaday 10-ka dollar loo celiyo. Wasiirku wuxuu sheegay in hore ay u qorsheeyeen in bukaanka u socda dhakhaatiirtan laga qaado shan kun oo shilin oo diiwaan gelin ah, qofkii aan haysana laga daayo.
Dr. Xuseen Xoog wuxuu dadkaas bukaanka ah ka raali geliyay tallaabadan ay qaadeen hawl wadeenadda cisbitaalka ee ka hoos shaqeynaya kooxdan dhakhaatiirta ah, hase yeeshee muu carabaabin inuu wax tallaabo ka qaadi doono shaqaalihii ku dhaqaaqay inay lacagtaa oo ay u bixiyeen diiwaangelin dadka ka qaadaan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com