ka mid ah
Baarlamaanka oo maanta doonayay inay xarunta Baarlamaanka ku qabtaan Fadhi ayaa khilaaf ka dhex aloosmay markii Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Cabdi weli Muudeey oo wata koox kale oo mudanayaal ah soo galay, isla markaana uu damcay in uu fadhiisto kursiga Guddoomiyaha, maadaama gudoomiyaha kooxda kale sheegeen inay xilka qaadeen dalka ka maqanyahay, isla markaana aanu gudoomiye xigeenku joogin fadhiga kooxdaasi ku sheegeen inay xilka kaga qaadeen gudoomiyaha Balse kooxda kale ayaa qaylo bilawday, taas oo sababtay inay gacanta isula tagaan mudanayaashu.
Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka Muudeey ayaa ugu baaqay xukuumadda inay arrintaa ka hadasho, isagoo sheegay in haddii Madaxweyne Shariif ka aamuso ay noqonayso inuu raali ka yahay in la jebiyo heshiiskii Kampala ee Uganda. Wuxuuna ka dayriyay khatarta ka iman karta murankaa iyo khilaafka ka taagan Baarlamaanka.
Dhinaca kale Madaxweynaha Dawlada taagta daran ee Somalia Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlaya Xil kaqaaditsa mudanayaasha Baarlamaanku ku sheegeen inay xilkii ka qaadeen fadhi ay yeesheen shalay gudoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna Sheekh Shariif qoraal uu maanta kasoo saaray xafiiskiisa ku sheegay inuu ka wer wersanyahay xaalada dalka Somalia, isagoo ka codsaday mudanayaasha inay joojiyaan khilaafka, sidoo kale wuxuu qoraalkaa ku sheegay Shariif inay xukuumaddu ka baaraandegey waxa dhacay.
Si kastaba ha ahaate Khilaafka ka cusboonaaday Baarlamaanka aan awooda lahayn ee magac u yaalka iyo dawladda taagta daran ee Somalia ayaa u muuqda mid xaalada cirka kusii shareeraya, isla markaana fursad siinaya mucaaridka kooxaha Al-shabaab ee dagaalka ba’an kula jira ciidamada AMISOM ee ilaaliya dawladda iyo Baarlamaanka Somalia.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com