Libya-(ANN) wiilka uu dhalay Hogaamiyihii hore ee dalka Libya laga inqilaabay Muammar Qaddafi oo lagu magcaabo Saif al-Islam, ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay maanta. Kadib markii lagu qabtay magaalo ku taala koonfurta dalka Libya ee dhinaca saxaraha oo lagu magcaabo Obari, taas
oo u dhow magaalada Koonfurta ee Sabha oo 400 mls koonfur kaga beegan caasimada Tripoli.
Bashir al-Tlayeb oo ka tirsan mucaaridka dalkaa qabsay ayaa sheegay in la qabtay Saif Islaam isagoo doonayay inuu u talaabo xadka ay Libya la wadaagto Niger. Wuxuuna sheegay in waxa laga yeelayo Saif Islaam ay u taal golaha ku meelgaadhka ah ee dalka Libya. Mucaaridka Libya ayaa mudadii uu socday dagaalku dhawr jeer sheegay warar ay ku sheegayaan inay dileen ama qabteen wiilasha hogaamiyihii Libya Mucmar qadaafi, balse sheegashooyinkaasi waxay noqdeen kuwo been ah. Sidaa awgeed wararka qabashada Saif Islaam ayaan dad badani rumaysan karin, iyadoo maxkamadda denbiyada dagaalku hore u dalbtay inay mucaaradka Libya soo dhiibaan haddii ay qabtaan saif Islaam iyo aabihii ka hor intii aan sida foosha xun loo dilin bilishii lasoo dhaafay.
Dhinaca kale Wasiirka cadaaladda dalka Libya Mohammed al-Allag ayaa isna u xaqiijiyay Warbaahinta caalamka in Saif Islaam qabashadiisu tahay mid dhab ah, iyadoo loo qaaday isaga laba qof oo shaqaalihiisa ah diyaarad helicopte rlasoo saaray oo loo qaaday dhinaca magaalada Zintan, ee waqooyiga dalka ku taal. waxa jira dareen la xidhiidha in indhaha caalamku eegayaan sida ay ula dhaqmaan mucaaridka qabsaday dalka wiilka uu dhalay hogaamiyihii hore. Wararka Saif Islaam ayaa kusoo beegmay iyadoo warbaahinta reer galbeedka iyo iyo dadka Siyaasada Libya indhaha ku hayaa sheegayaan inuu jiro wadahadal u dhexeeya Mucaaridka dalkaa qabsaday iyo wiilka uu dhalay Hogaamiyihii hore ee Qadaafi, Saif islaam oo xidhiidh dhaw la lahaa wadamada reer galbeedka.
Wixii kasoo kordha warkaa kala soco shebekada Araweelonews
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com