Hargeysa(ANN) Waxa isa soo taraya dhaqdhaqaayo Abaabulo mudaharaad ka dhan ah mooshinka golaha wakiilada Somaliland ku laaleen Arbacadii 9 Nov 2011, diiwaangelintii loogu codeeyay doorashadii Madaxtooyada Somaliland ee dalka ka qabsoontay kal hore 2010, taas oo rayalcaamka
bulshadu si weyn uga biyo diideen.
Maxamed Axmed Jaamac (Calooley) oo ka mid dhalinyarada hogaamisa Ururada Bulshada ee ka jira Hargeysa ayaa ka mid ah kuwa sida weyn uga soo horjeeda arrinta lagu laalay diiwaangelinta ee abaabulaya mudaharaadyada , wuxuuna mar ay shebekada Araweelonews wax ka weydiisay yidhi, “maaha in dib loo celiyo dalka toban sanadood, haddii diiwaan gelin la’aan doorasho lagu gelayo Daahir Rayaale ayaa la deyn lahaa ee kumay dhinteen dhalinyaradii naftooda ku waayay. Waxaaanu wadnaa mudaharaadyo lagaga hortegayo arrintaa si aan dalka fawdo loo gelin oo aan doorasho bilaa diiwaangelin ah loo gelin. Xaqiiqduna waxay tahay golaha wakiiladu wuxuu u muuqdaa mid fawdo dalka u horseedaya, waayo waxay soo saareen mooshin ay ku laalayaan diiwaangelintii hore, waana mid aanu kasoo horjeednaa, mana aqbalayno hadaanu nahay dhalinyarada mustaqbalka dalka iska leh.”
Xildhibaan Yuusuf Cali Nuur oo ka mid ah golaha Deegaanka Berbera, isla markaana ah wakiilka Tawfiiq Shipping Agency, oo shebekada Araweelonews kula xidhiidhay khadka telefoonka isagoo ku sugan magaalada Berbera ayaa sheegay inay talaabada golaha wakiiladu ku laaleen diiwaan gelintii codbixinta doorashada ee kal hore ay tahay mid aan la aqbali karin.
Xildhibaan Yuusuf, isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuu yidhi, “Waxaan u arkaa khalad weyn oo ay ummada ka galeen golaha wakiiladu, habkan diiwaan gelin la’aantuna maaha mid keeni kara tartan xalaal ah ee waa mid fawdo iyo musuqmaasuq horseedi kara. Diiwaangelinteena waxa la socday ID card ahaa aqoonsiga muwaadinka, kaas oo waxyaabo baddan ka tarayay oo ilaa Ethiopia lagu marayay, waxayna ahayd diiwaangelintu wax qaranimada Somaliland iyo nidaamka geedisocodkaba kor u qaaday oo aduunku inagu taageerayayy meesha ka baxdo waxay muujinaysaa inay Somaliland dib u socoto, mana aha arrintaa golaha wakiiladu mid la aqbali karo. Sidaa awgeed waxaan ka codsanaynaa golaha guurtida iyo madaxweynaha inay arrintaa hor istaagaan. Oo fawdada laga badbaadiyo qaranka. “
Dhinaca kale Sadexda xisbi qaran ee ilaa hada jiraa ayaa dhawaaqyo kala duwan ka bixiyay arrintaa, iyadoo Labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID iyagu arrintaa ku tilmaamay mid fawdo dalka ka abuuraysa, isla markaana meesha ka saaraysa hanaankii dumuqraadiyada iyo doorashooyinka xorta ah, balse xisbiga mucaaridka UDUB ayaa mawqif kaa ka duwan kaga jawaabay arrintaa, isagoo ku tilmaamay diiwaangelinta marka horeba mid khaladaad badani ku jireen oo aan loo baahnayn.
Mooshinka ay ku laaleen diiwaangelinta golaha wakiiladu ayaa u gudbaya golaha guurtida, kaas oo awood u leh inuu waxkabedel iyo kaabis uu ku sameeyo oo kusoo celiyo golaha wakiilada. Kahor inta aanay u gudbin madaxweynaha. Sidoo kalena wuxuu golaha wakiiladu awood u leeyahay inuu gebei ahaanba laalo mooshinkaa, haddii ay helaan codka awooda dastuurku siiyay , balse lama saadaalin karo sida ay golaha guurtidu ka yeeli doonaan mooshinkaa.
Si kastaba ha ahaatee waxa isa soo taraya dhawaaqyo lagaga soo horjeedo talaabada mooshinka golaha wakiiladu ku laaleen diiwaangelinta, iyadoo ay jiraan dhaqdhaaqyo iyo abaabulo kooxo dhalinyaro ahi ka wadaan magaalooyinka Hargeysa iyo deegaamo kale, kuwaas oo doonaya inay ka hortagaan qorshaha golaha wakiilada ee lagu laalay diiwaangelinta codbixiyayaashii doorashada madaxtooyada ee k al hore.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com