Hargeysa (ANN)Madaxweyne Xigeenka cusub ee Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil Seylici ayaa ka qayb galay munaasibad ay Mulkiilayaasha warshad cusub oo ah dhoofinta hilibka xoolaha Somaalida oo laga yagleelay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, taas oo
lagu qabtay habeen hore Huteelka Emparial ee magaalada hargeysa. Sidoo kale waxa kasoo qayb galay abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Marwo Edna Aadan Ismaaciil, aqoonyahano, xubno ka socday ururada bulshada iyo marti sharaf kale.
Munaasibadaa oo ay mulkiilayaashu Bulshada somaliland ugu soo bandhigeen ka qaybgalka saamiga wersheda hilibka xoolaha, iyagoo ujeedadoodu tahay inay fursad siiyaan muwaadiniinta danaynaya saamiyada, isla markaana u qorsheeyay wershedaa qaabka shirkada dalalka hore u maray iyo inay ganacsatada hindisay wershedaasi noqdaan kuwo ku guulaysta horumarka ay doonayaan oo ay u noqoto wershedu mid taabogasha oo dalka iyo dadkuba ka faaidaystaan.
Madaxweyne xigeenka cusub ee dhawaan la doortay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo munaasibadaa wersheda dhoofinta hilibka xoolaha ka jeediyay hadal kooban ayaa sheegay inay xukuumad ahaan si wayn u soo dhaweynayaan cid kasta oo dalka maalgelin ku samaynay, isla markaana dhaqaale ku soo kordhinaysa, iyagoo dhiirigelin u samaynaya, taas oo uu sheegay inay ka mid tahay barmaamujka xisbiga KULMIYE oo marka horeba bulshada u sheegay xiligii kaanbaynka doorashada sida ay uga go,antahay inay dhiirigeliyaan maalgelinta dalka, muwaadiniinta doonay inay dalka maalgashadaan iyo ajaanibka buuxiya xeerarka dalka iyo shuruucda.
Md. Saylici waxa uu ganacsatada reer Somaliland ugu baaqay inay door muhiim ah ka qaataan maaligelinta dalka, si loo yareeyo shaqo la’aanta dalka ka taagan, isla markaana loo kobciyo dhaqaalaha dalka.
Maareeyaha warshada dhoofin hilibka Mr. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo madashaa ka hadlay ayaa sheegay in warshadoodu tahay tii u horeysay ee nooceeda laga hirgeliyo Afrika, taas oo sida uu sheegay ka hor intii aanay dalka keenin ay sameeyeen daraasado badan oo ku saabsan sidii ay xoolaha Somaliland ugu heli lahaayeen suuq ka duwan ka waddamada Carabta ee loo dhoofiyo iyagoo nool. Sidaa awgeed markii ay ku qanceen natiijooyinka daraasadahaa ee ay ogaadeen baahida loo qabo wershedaa, isla markaana ay suuq ganacsi raadiyeen oo ay ku guulaysteen. Ka dibna ay yagleeleen wershedaa.
Mr. Cabdirisaaq waxa uu shaaca ka qaaday in saamiyada u ogolaanaya inuu muwaadinku ku yeesho warshada dhoofinta Hilibka xooluhu ay u furan yihiin shacabiga Somaliland, isla markaana ay soo dhawaynayaan cid kasta oo ka qaybqaadanaysa oo buuxisa shuruudaha looga baahan yahay.
Abwaanka caanka ah Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye),oo isaguna hadal kooban ka jeediyay halkaa ayaa si weyn u soo dhaweeyey dhismaha warshadaa iyo saamiyada ay ku baaqeen ganacsatada aasaatay, isagoo ku tilmaamay talaabo fiican oo muujinay iskaash, isla markaana dhaqaale u soo kordhin doonta dalka Somaliland.
Abwaan Gaarriye waxa uu dhaliil u jeediyey ganacsatada reer Somaliland oo uu sheegay inay Bariis iyo sonkor uun soo dejin yaqaanaan, isla markaana aanay aqoonin qaybaha kala duwan ee ganacsiga oo ka msauugay inay dalka maalgeliyaan oo muwaadiniintana fursad siiyaan..
Sidoo kale Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo xafladaa ka hadashay, ayaa ammaantay qorshaha ganacsatada warshadan aasaastay bilaabeen, waxaanay sheegtay inay door weyn ka qaadan doonaan dumarka Somaliland inay saamiyo ku yeeshaan warshadaa, maadaama ay tahay fursad wax ku ool ah oo loo baahn yahay.
Drs. Edna waxay sheegtay in Somaliland tahay dal yar oo nabadgelyo ah, laguna guulaysan doono inay ka hano-qaado warshadaasi.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com