Ceergaabo(ANN)Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Ceergaabo saaka khudbad ugu jeediyay boqolaal ka mid ah shacbi weynaha magaalada Ceerigaabo. Kadib markii uu dhismayaal Hay’addaha dawladda qaarkood oo laga hirgeliyay
halkaa xadhiga ka jaray. Madaxweyne Siilaanyo ayaa uga mahad celiyay soo dhawaynta diiran ee ay isaga iyo weftigiisa ku qaabileen bulshada magaalada Ceergaabo.
Madaxwayne Siilaanyo warbixiyay waxqabadyada kala duwan ee xukuumada uu hogaamiyo ay ku talaabsatay muddadii koobnayd ee ay talada dalka haysay, isagoo dhinaca kalena balan qaaday in aanu waxba ka hagranaynin waxka qabashada jidka isku xidha gobolka Sanaag iyo Togdheer. Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Walaalayaal waxaa in badan laga hadlay oo aanu ognahay oo xanuun daran ku haysa, in badana ku haysay ilaa weligeedna ku haysay wadadaa dheer ee isku xidha Ceerigaabo iyo Burco, runta marka aynu ka hadalno wadadaasi anagaba waxay nagu hasyaa oo aanu ognahay wakhtigii aanu mucaaridka ahayn ama ummada reer Somaliland caam ahaan niyada ay u hayaan iyo qiimaha ay wadadaasi leedahay.”
“Wax alla waxaanu kala hadhaynaa ma jirto laakiin wadadaasi waa jid dheer oo waa jid lacag badani ku baxayso oo lacagta ku baxaysaa ma aha hadaynu runta ka hadalno wax sanad iyo laba midna lacagteeda haddii miisaaniyada dawlada lagu daro, ay dawladu keligeed bixin karayso ma aha,” Ayuu yidhi madaxwayne Siilaanyo.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxaa kale oo uu sheegay in ay dawladu diyaar u tahay wax ka qabashada wadadaasi, shacbiga gobolka Sanaag iyo shacbi waynaha kale ee Somaliland-na ay ku guubaabinayaan in ay ka qayb qaataan dhismaha wadadaasi waxaanu yidhi “Waxay dawladu diyaar u tahay oo aanu marwalba heegan u nahay,
1- In aanu ka qayb qaadano itaalkayagu inta uu yahay oo aanu ka goyno miisaaniyada dawlada wixii nagaga soo beegma.
2 – in aanu shacbiga reer sanaag ku guubaabino iyo shacbi waynaha kale ee reer Somaliland in ay ka qayb qaataan dhismaha wadadaasi,
3 Waxaa kale oo aanu dawlad kasta iyo meel kasta oo aanu tagno oo caalamka ka mid ah oo aynu doonayno in ay wax nagala qabtaan horumarinta dalkeena waxa aanu had iyo jeer u qadinaa mashruuca wadadaa isku xidha Sanaag iyo Togdheer”.
Guddoomiyaha gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre, maayarka magaalada Ceerigaabo ismaaciil xaaji Nuur oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si wada jir ah u sheegay in shacbiga gobolka sanaag ay taageero balaadhan u hayaan xukuumada Somaliland kana filayaan wax qabad.
Waxaanay madaxwaynaha ka codsadeen sidii ay xukuumadu wax uga qaban lahayd wado xumada haysata gobolka Sanaag, oo ay sheegeen inay dhibaato badani ka haysato isku socodka gaadiidka iyo dadkaba.
Dhinaca kale Muj-Maxamed Kaahin oo halkaa ka hadlay ayaa Madaxweynaha ugu baaqay inuu ku dhawaaqo dhismaha waddada isku xidha Ceerigaabo iyo Burco sidoo kalena bulshada Sanaag hadallo canaan iyo dhiiriigelin ah usoo jeediyey.
Muj. Maxamed Kaahin, waxa uu yidhi, “Waxaan ka hadlayaa laba arrimood oo maayorka Ceerigaabo iyo bulshada kaleba ka dhawaajiyeen oo ah nabadgelyada iyo horumarka iyo waddada Burco iyo Ceerigaabo isku xidha anigoo nabadgelyada ku horraynaya waxaan leeyahay taariikh wanaagsan ayaa reer Sanaagow ilaa isticmaarkii ilaa nabadayntii beelaha Somaliland iyo shirarkii afar-beeloodka ahaaba ku leedihiin haseyeeshee su’aashu waxa weeye nabadgelyadii yaa jebiyey waa reer Sanaag iyo qabyaalad iyo habeenkii oo aad darista isugu soo faqdaan oo yara maakhiraysaan”ayuu yidhi waxaanu intaa raaciyay “Waxaan leeyahay xilka nabadgelyadu wuxuu saaran yahay madax-dhaqameedyada iyo bulshada Sanaag xukuumadduna waxbay idinkala qabanaysaa. ciidammada aad beelaha ku kala haysataanna kusoo wareejiya labadii taliye-ciidan maanta waa kuwane”.
Mar uu kadlayay dhinaca horumarka, waxa uu yidhi “Dhinaca horumarka iyo waddada waxaan leeyahay Mudane Madaxweyne reer Ceerigaabo kula hadle adiguna xogogaal baad u tahay waddaduna way bilaabantay oo waataas laynoo sheegay in hablaha reer Sanaag lacag u ururiyeene adiguna waxba ha ka baqane u badheedh oo ku dhawaaq reer sanaagna way kuula badheedhayaan”.
Muj. Maxamed Kaahin, isagoo bulshada iyo qurba-joogta Sanaag la hadlaya wuxu yidhi, “Reer Sanaagow idinka iyo qurba-joogtiinnaan la hadlayaaye waxad ogaataan inaan cidna la horamarin haddii aanay iyagu is hora marine sida gobollada kale ee dalka guddiyada samafalka iyo qurba-joogta u leeyihiin ee wax uga qabsadeen waddooyinka iyo dhinacyada kaleba idinkuna gudaha iyo debeddaba isku xidhnaada oo wax wada qabsada xukuumad ahaanna wax bay idin kala qabanaysaa”.
Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo oo galabta kulamo la yeeshay Odayaasha iyo waxgaradka magaalada ceergaabo ayaa la filayaa inuu maalinta beri ah soo geba-gebeeyo booqashadiisa, iyadoo wararka la xidhiidha socdaalka madaxweynuhu sheegayaan inuu diyaarad kasoo raaci doono halkaa si uu ugu soo laabto Hargeysa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com