Londan(ANN) Allah Hawnaxariistee Fanaanadii caanka ahayd ee Faadumo Qaasim Hilowle oo kamid ahayd Hobaladii Waaberi ayaa ku geeriyootay cariga Britain oo ay Mudooyinkii ugu Danbeeyay Degayd. Marxuuda oo kasoo jeeday qoys caan ku ah fanka, iyadoo aabeheed Qaasim Hilawle ka mid ahaa
dadkii aasaasay fanka banaadiriga loo yaqaan xiliyadii horaantii sodonaadkii.Marxuumada oo iyadu fanka soo gashay lixdanaadkii oo fanka Soomaalidu marayay marxalad aad u saraysa, waxay fanaaniinta Hobolada Waaberi ka mid noqotay 1966, waqtigaa oo marxuumada la qoray Raayow Muqdisho. waxayna ka qayb qaadatay Riyaawadii ugu horaysay ee lagu furay Tiyaatarkii Muqdisho 1968, taas oo ahayd Riwaayadii caanka noqotay ee Shabeel naagood ee uu sameeyay Abwaan Xasan Sh. Muumin.
Marxuumada Faadumada Qaasim Hilawle oo ku luuqayn jirtay, isla markaana caan ku ahayd Heesaha Banaadiriga waxayna ka qayb qaadatay Riwaayado baddan. Waxayna Faadumo caruurteeda qaarkeed ka hida raaceen fanka iyo heesaha.
Wararka la xidhiidha Geeradida ku timid Fanaanada Weyn ee Soomaaliyeed Allaha u Naxariistee Marxuumad Faadumo Qaasim Hilowle iyo taariikh nololeedkeeda waxaanu kasoo gudbin doonaa xiliyada soo socda haddii Alleh raali ka noqdo.
Bahda Warbaahinta Araweelonews waxa ay tacsi u dirayaan dhamaan Ehelada iyo Bulshada Soomaalida, iyagoo ka tacsiyadaynaya Geerida ku naxdinta leh eek u timi Fanaanada Marxuumada Faadumo Qaasim Hilowle waxeyna Illaahay ugu baryayaan in uu Janadii Fardowso ka Waraabiyo Qoyskii, Eheladii, Bahda fanka Soomaalida iyo guud ahaan Bulshada Soomaalida Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com