Hargeysa(ANN)Mudanayaasha Golaha wakiiladda Somaliland ayaa fadhi ay yeesheen maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey todobada xubnood oo Madaxweyne Siilaanyo dhowaan u magacaabay inay noqdaan gudida diiwan gelinta ururada siyaasada iyo ansixinta Xisbiyada Qaranka.Sidoo kale
waxa goluhu ansixiyey Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Wasiirul dawlaha arrimaha debeda oo iyagana golaha la horkeenay saaka. Fadhiga golaha oo uu gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro) waxaa kasoo Xaadiray 59 Xildhibaan oo ka mid ah 82 Xubnood ee golaha wakiiladu ka kooban yahay.
Ka hor intii aan golaha cod loo weydiin xubnaha gudida, waxay madashaa fadhiga kasoo xaadiray warbixin ka dhagaysteen gudi hoosaadka nabadgalyada iyo difaaca ee golaha Wakiilada oo tafaasiil ka bixiyay tilmaamaha ay yeelanayaan Todobada Xubnood ee Madaxweynuhu u magacaabay gudida diiwaangelinta ururada siyaasada waxayna gebagebada warbixintooda kaga codsadeen golaha in la ansixiyo gudidaa. Markaa kadib waxa mudanayaasha loo akhriyay Sooyaalka taariikheed,Waayo aragnimada shaqo iyo Warqada cadaynta danbi la’aanta ee Xubnahaa oo mid mid loo akhiriyay.
Gudooyiha golaha ayaa xubnaha gudida taariikh nololeedkooda kadib u weydiiyay golaha in mid mid loogu codeeyo Todobada Xubnood ee diiwaangelinta ururada siyaasada iyo ansixinta xisbiyada qaranka, kuwaas oo cod aqlabiyad ah ku baxay dhamaantood. Markii ay cod gacan taag ah ku meel mariyeen mudanayaasha madasha fadhiga kasoo xaadiray.
Todobadan Xubnood ee gudida diiwan gelinta ururada siyaasiga ah iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka ayaa magacyadoodu kala yihiin sidan:-
1 Cabdalle Ibraahim Maxamed
2. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale)
3. Xasan Axmed Ducaale (Macalin): Garyaqaan
4. Cumar Xasan Jaamac
5. Maxamed Cabdi Maalik
6. Aadan Geedi Qayaad
7. Ismaaciil Cabdillaahi Cali
Dhinaca kale Waxay xildhibaanada golaha wakiiladu cod gacan taag ah ku ansixiyeen Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland.Maxamed Nuur Caraale “Duur” oo intii aan xilkan loo magacaabin ka tirsanaa aqalka Wakiilada, waxaana ogolaaday 57 Xildhibaan hal Mudane ayaa ka aamusay cid diidayna ma ay jirin ,gudoomiyuhuna muu codayn.
Sidoo kale Wasiirul dawlaha arrimaha dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Dr. Maxamed Rashiid Sh. Xasan ayaa waxaa ogolaaday ansixintiisa 58 Xildhibaan cid Diiday iyo cid ka aamustay ma ay jirin gudoomiyuhuna ma codayn.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com