Hargeysa(ANN) Maydadkii 13 qof oo ku dhintay masiibo ka dhacday dhinaca Woqooyi ee magaaalada Hargeysa ayaa galabta la keenay cusbitaalka guud ee Hargeysa. Kadib markii laba gaadhi oo ay saarnaayeen oo usii jeeday dhinaca dalka Djibouti daad ku qaaday
dooxa Agabar ee dhinaca Woqooyiga Hargeysa. Masuuliyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland oo uu horkacayay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xasan, iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo gaadiid badan oo ka tirsan Madaxtooyada ayaa ka qayb qaatay sidii dadkii Mashaqadan ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmayba loogu soo qaadi lahaa Cisbitaalka guud ee Caasimada Hargaysa oo galabta la keenay.
Labadaa gaadhi oo ahaa nooca Land Cruser-ka oo ka baxay magaalada Hargaysa kuna sii jeeday dalka Djibouti oo Allah ha u naxariistee ay ku geeriyoodeen 13 qof oo 11 ka mid ahi dumar yihiin kadib markii ay xalay daad xoogani ku qaaday dooxa weyn ee degmada Agabar oo ilaa konton Km dhinaca waqooyi kaga beegan caasimada Hargaysa.
Tirada guud ee dadka rakaabka ah ee labadaas gaadhi saarnaa ayaa lagu sheegay 29 qof oo u baddan haween, kuwaas oo dhaawacooda la dawayno 16 qof oo ka badbaaday Masiibadaasi argagaxa badnayd, cusbitaalka Hargeysa, wararka qaar ayaa sheegaya in la xidhay labadii dareewal ee labadaa baabuur watay, isla markaana la baadhayo sababta keentay inay rakaab intaas le’eg ku biimeeyaan dooxa degmada Agabar.
Dhinaca kale boqolaal qof oo ka mid ah eheladaa dadkaa ayaa galabta ilaa caawa kusoo qulqulaya cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo ka murugooday masiibada ka dhacday halkaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com