lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, kaas oo u qornaa sidan:-
“Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar oo in muddo ah ku joogay socdaal Diplomaasiyadeed Cariga Maraykanka ayaa Kulamadiisii ku soo gabo-gabeeyey Muxaadaro uu ka jeediyey Jaamacadda Howard University oo ah Jaamacada ugu weyn ee African Amerikanku leeyihiin, kulankaa waxaa ka soo qayb galay cilmi Baadhayaal sare, Ardayda iyo dadwayne kale oo xiiseeya Arrimaha Somaliland.
Dadkii Madashaa ka soo qayb-galay ayaa wax badan ka bartay Jamhuuriyada Somaliland iyo Guulaha ay ka gaadhay Dhismaha Dawladnimo iyo Horumarka ay ka gaadhay dhinacyada Siyaasada, Dhaqaalaha, Nabadgalyada iyo Iskaashiga Caalamiga ahba.
Jaamacada Howard ayaa iyana dhinaceeda balan qaaday inay la shaqaynayso Jamhuuriyadda Somaliland waxaanay sheegtay inay ogolaatay laba arday oo diyaarinaya Shahaadada sare ee PHD in ay ku takhasusaan barashada Wadanka Somaliland.
Dhinaca kale Wasiirku waxa uu kula kulmay Jaaliyada Somaliland ee Washington DC, Shirkan oo ay Jaaliyadu ku xogwaraysatay Wasiirka ayaa taabanayay Xaalada wadanka, guulaha iyo Dhibaatooyinka jiraba, waxaaanu wasiirku uga xog waramay ujeedada Safarkiisa uu ku yimid Maraykanka.
Safarkan Wasiirku ku tagay Cariga Maraykan ayaa ahaa kii ugu horeeyey inta xukuumada uu hogaamiyo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) hogaamiyo xilka ay haysay, waxaanu qayb ka yahay Dadaalka ay Xukuumadu ugu jirto ka midho dhalinta Himilada Shacabka Somaliland iyo Xaqiijinta Ictiraaf buuxa oo ay Jamhuuriyada Somaliland ka hesho Quruumaha Aduunka.” ayaa lagu yidhi qoraalka wakiilka Somaliland ee USA.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1