war-saxaafadeed uu soo saaray Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, kaas oo u dhignaa sidan:-
“Wasiirka Arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Maxamed C/llaahi Cumar ayaa Kulan ugu qabtay Xafiiska Hay’adda IRI, dad badan oo ka kala socda Xafiisyo badan sida Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanka USAID iyo Hay’addo badan oo madax banaan oo la taliya dawladda Maraykanka.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay xaafiiska wakiilka Somaliland, balse laguma xusin magacyada iyo kuwa ay yihiin saraakiisha arrimaha debeda iyo Hay’addaha ka socday ee uu la kulmay wasiirka arrimaha debeda Somaliland.
Laakiin waxa lagu sheegay qoraalkaa inuu wasiirku kala hadlay masuuliyiinta ka qayb galay kulanka waxyaabaha ay qabsatay mudadii ay jirtay Somaliland iyo duruufaha siyaasadeed eek u xeeran, waxaana qoraalka wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka oo ka hadlaya arrimahaa lagu yidhi, “Waxa uu Wasiirku kulankaa ka qeexay Qadiyadda Somaliland iyo Hurumarka ay ku talaabsatay, waxa kale oo uu xusay Arrimaha Soomaaliya iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan Geeska Afrika, iyo gaar ahaan waddanka Somaliland.
Waxa kale uu carabka ku dhuftay Abaaraha ka jira Somalia oo uu sheegay inay Dowlada Somaliland dadkaasi dhibaataysan ay gargaar u fidisey. Waxa kale oo Wasiirku ka codsaday dadkii Kulankaasi isugu yimi in baaqa Somaliland la gaadhsiiyo meel kasta oo caawimo deg deg ah la gaadhsiiyo dadka abaartu waxyeelaysay ee reer Somaliland.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Somaliland Dr.Mohamed C/llaahi ayaa maanta oo khamiis ah kulan la yeelan doona Wakiilada Baarlamaanka Maraykanka.”
Dhinaca kale wasiirka oo maalmahan booqasho ku joogay dalka Maraykanka ayaa kulan la yeeshay xubnaha joogtada ah ee golaha amaanka, Kulankan oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York , todobaadkan, iyadoo wasiirka Arrimaha debeda Somaliland kulankaa oo saacado qaatay ka jeediyay dood dheer oo garnaqsi ah , kaas oo ay ku dhamayeen xubnaha wakiilada Dawladdaha waaweyn ee Joogtada ku ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay sida (Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka).
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com