Guinea Bissau (ANN)Wadamada Galbeedka Afrika ayaa sheegay inay soo dhowaynayaan oo ay gacan buuxda siinayaan hogaamiyahii dalka Libya Mucmar Al-qadaafi oo aan la cadayn karin halka uu ku sugan yahay. Kadib markii dabayaaqadii August laga qabsaday xaruntii qasriga u ahayd ee baabal
casiisiya.
Raysal wasaaraha dalka Guinea Bissau Carlos Gomes ayaa sheegay inay dalalka galbeedka afrika ka wer wersan yihiin xaalada nabadgelyo ee hogaamiyihii dalka Libya, wuxuuna sheegay inay dalalka galbeedka Afrika soo dhowaynayaan Mucmar Qadaafi oo ay taageero Milateri la garab taagan yihiin awoodooda .
Mr. Carlos wuxuu sheegay in cududa Milateri ee wadamada galbeedka afrka oo siyaasad ahaan iyo milateri ahaanba ku dhisnaayeen Nidaamka Qadaafi. Sidaa awgeed aanay aqbalayn maxkamadda Caalamiga ah ee Denbiyada dagaalka, taas oo uu shaagay in aanay Guine Bissau waxaba kala socon aasaaskeedii.
Dhinaca kale Raysal Wasaaraha Nigeria Brigi Rafin oo khamiistii ku sugnaa Burkina Faso ayaa sheegay in aanay waxba kala socon inuu Qadaafi dalbaday magangelyo siyaasadeed, wuxuuna xusay in aanay arrinta maxkamadda denbiyada dagaalku ahayn wax weli la gaadhay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in wixii ka danbeeyay todobaadkii hore markii ay dalka Niger galeen kolanyo gaadiid wi weyn u haubaysan oo ka mid ahaa ciidamadii Qadaafi ay dalalka galbeedka Afrika wadeen dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo golgol xaadh u ah taageero Milateri iyo qorshayaal siyaasadeed oo dawladii xukunka laga tuuray ee qadaafi ah, iyadoo wararka qaar sheegayaan in isla todobaadkan hogaamiyayaashii qabaa’ilka Tuareq oo degan saxaaraha xuduudaha dalalkaa, isla markaana maamulkii Qadaafi kasoo horjeeday iyagoo doonayay inay gooni u go,aan ay hada is abaabulayaan, isla markaana ay suurta gal tahay inay taageero siiyaan sidii Qadaafi xukunka ugu soo noqon lahaa.
Dhinaca kale magaalooyinka dalka Libya ayaanay weli mucaaradku gacanta ku dhigin iyadoo magaalooyinka mihiimka ah ee Sirta Binu Waliid iyo dhawr magaalo oo kale qaarkood hareereeyeen, balse aan weli gacanta u gelin, kuwaas oo qaarkood dagaalo ka socdaan, isla markaana duleedka iyo meelo ka mid ah Tripoli ayaa iyagana weli taageerayaasha Qadaafi u diideen mucaaradka inay salka dhigaan. Iyagoo mucaaradku ku doodaya inay dalka inta u hadhay gacanta ku wada dhigayaan maalmaha iyo saacadaha soo socda, balse ay u baahan yihiin taageero dhaqaalle iyo weli ay gacan siiso NATO.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com