Tan iyo markii lagu dhawaaqay 1 July 2010 natiijada doorashada taariikhiga ahayd ee madaxtooyada oo loogu tartamayay hogaaminta talada iyo awooda dalka, islamarkaana ay komishanka qaranku natiijadooda ku shaaciyeen inuu ku guulaystay madaxweynaha cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Seylici oo ahaa musharixiintii xisbiga Kulmiye, waxa si weyn
shaaracyada wadooyinka waaweyn ee magaalooyinka gaar ahaan caasimada Hargeysa laga dareemayay farxada, yidiilada iyo rajada shacbiga ee siddeedii sannadood ee u danbeeyay sii diciifaysay oo soo noolaanaysa, isla markaana waxa saaxada warbaahinta todobaadyadii u danbeeyay ka socday hanbalyooyin lagu bogaadinayo Madaxweynaha Cusub iyo ku xigeenkiisa, sidoo kale waxa isagana hanbalyo iyo bogaadin hawada loo marinayay madaxweynaha tartankii doorashada lagaga guulaystay ee xilka sii haya.
Inkasta oo musharixiinta sadexda xisbi ee u tartamayay jagada madaxweynuhuu ahaayeen kuwii sidan oo kale u tartamayay sideed sannadood ka hor, hadana doorashada maanta ayaa ahayd mid si weyn uga duwan tii xiligaa, maadaama doorashadu ahayd mid dhawr goor dib dhacday oo duruufo iyo marxalado siyaasadeed oo kala duwan soo martay mudadii la naawilayay, taas oo sabab u noqotay in si weyn loogu hanqaltaago qabsoomideeda. Kadib markii shacbigu isku qanciyeen in haddii ay si caddaalad iyo xaqsoor ah u dhacdo doorashadu horseedi karto yididiilo iyo rajo ay dhinaca mujtamaca caalamka ay ka naawilayeen, iyagoo ku qanacsanaa weedhaha ka imanayay daneeyayaasha doorashada ee beesha caalamka oo si weyn isugu mashquuliyay inay taageero dhaqaale iyo tilmaamanba ka bixiyaan sida ay doorashada Somaliland u suurta gelayso. Lasoaco…….