Beirut(ANN) Dawlada Lubnaan ayaa kusoo biirtay wadamada safka hore sahayda iyo gargaarka aadaminimo ugu gurmanaya dadka Soomaaliyeed oo macaluusha iyo dagaalada aafeeyeen, waxayna Markab ku shixnadan sahay gargaar u dirtay Somalia kaas oo
kusoo fool leh maalinta Jimcaha Dekeda magaalada Muqdisho.
Sidaana waxa baahisay Jariirada The Daily Star sabtidii shalay, caawimada uu sido Markabkaasi ayaa ka kooban Bariis, Daqiiq, Sonkor, Caanaha Caruurta, dawooyinka iyo sidoo kale qalabka Cusbitaalada. Dawlada Lubnaan oo qayb ka noqotay wadamada ka jawaabaya dhibaatada iyo macaluusha ka taagan Somalia, waxay samaysay gudi ka qaybqaata sidii loo caawin lahaa bulshada Soomaalida ee macaluusha iyo dhibaatada colaaduhu aafeeyeen, waxaana gudidaa hogaaminaya Wasiirka caafimaadka Lubnaan iyo Hay;adda lagu magcaabo Dar al-Fatwa Endowment Fund.
Waxa lagu qiyaasay abaaraha ka taagan geeska afrika iyo cunto yaraantu inay saamaysay dad gaadhaya 11.8 million, kuwaas oo ka gudbay xuduudaha wadamada Somalia, Ethiopia, Kenya. Qaramada midoobay ayaa sheegaya inay waqtigan 9.9 million ka mid ah dadkaa oo Soomaali ahi ka talaabeen oo ay u gudbeen xeryo qoxooti oo ku yaala xuduuda.
Dhowaan ayaa shixnado gargaar ah la geeyay koonfurta Somalia, iyadoo ay booqdeen halkaa si ay xaalada usoo arkaan Raysal wasaaraha Turkiga iyo wasiirka arrimaha debeda ee Arian, kuwaas oo caawimooyin iyo sahay gar gaar ee deg deg ah gaadhsiiyay dadkaa, sidoo kale wadamo baddan ayaa caawimooyin sahay gar gaar u diray Somalia.laakiin waxa la sheegayaa in aanay xaalada wax weyn ka bedelin oo ay dhibaatada macaluushu weli taagan tahay, isla markaana waxyaabo baddan deeqahaas ahi aanay gaadhin dadkii loogu talo galay oo si xun loo maamulay, ama la leexsaday.
Dhinaca kale Amiirka carbeed ee Al-waliid Binu Dalaal oo ka mid ah kontonka qof ee ugu lacagta baddan aduunka ayaa maanta booqday magaalada Muqdisho, isagoo ay weheliso xaaskiisu, isla markaana doonaya inuu kaalmo ka geysto macaluusha iyo dhibaatada bulshada Soomaalida, wuxuuna booqday xeryaha qoxootiga ee magaalada Muqdisho.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com