Hargeysa(ANN)Madaxweyne Siilaanyo oo la filayay Inuu todobaadkan magcaabo jagada Wasiirka Arrimaha Gudaha ee uu baneeyay Dr. Maxamed Cabdi Gaboose oo xilkaa iska casilay 18 August 2011, ayaa dib u dhigay inuu magcaabo masuulkii buuxin lahaa
jagadaa. Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxtooyada oo sheegaya inuu dib u dhigay Madaxweyne Siilaanyo buuxinta xilka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.
Laakiin sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u tibaaxeen warar ku dhow dhow qasriga madaxtooyada Madaxweyne Siilaanyo oo maalmihii u danbeeyay, tan iyo markii uu kasoo laabtay 18 August 2011 safarkiisii uu dalalka China iyo Ethiopia, kusoo maray waxa mashquuliyay. sida ay xoggahaa iyo tibaaxahaasi sheegeen kooxo ku loolamaya xilka jagada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, kuwaas oo ka qoob qaadi waayay qasriga Madaxtooyada.
Sida ay sheegayaan tibaaxahaasi Xubnaha loolanka ugu jira buuxinta jagadaa ayaa qaarkood waqtigan xilal ka hayaan xukuumadda , iyadoo ay jiraan xubno kale oo iyagu debeda ka jooga oo iyana si weyn saamayn ugu leh inay xayndaabka xukuumadda soo galaan, waxaana ka mid ah xubnaha tibaaxahaasi ishaareen, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir, Maxamed Muuse Abees oo ka mid ah la taliyayaasha Madaxweynaha, isla markaana ka mid ahaa golihii wakiilada ee hore. Iyadoo ay jiraan xubno ka tirsan golaha xukuumadda iyo xildhibaano si weyn ugu ololaynaya in xilkaa loo dhiibo Dr. Cabdi Aw Daahir.
Hase yeeshee waxa jira xubno iyaguna dhinaca qasriga Madaxtooyada aad looga dareemay hadalhayntooda,kuwaas oo kala ah. Nin ka tirsanaa Ururkii Qaran oo lagu naanayso Axmed Soodaani oo isagu degan Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer. Laakiin waxa jira ishaarooyin iyo tibaaxo sheegaya in Xuseen Saalax Muuse oo ah siyaasi ka mid ahaan jiray dawladii Soamlia ee xiligii C/qaasim Salaad ee Carta , balse dhowaan yimi Somaliland loo magcaabyo xil oo uu ka mid noqonayo xubnaha xukuumadda Siilaanyo , isla markaana xogaha qaar ayaa tibaaxaya in Xuseen Saalax oo ay macruufad weyn isu leeyihiin Madaxweyne Siilaanyo uu ku yimi Somaliland xiligan fariin dhinaca Madaxweyne Siilaanyo uga tagtay, sidaa awgeed Madaxweyne Siilaanyo qorshaynayo inuu Ninkaa u magcaabo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, iyadoo Wasiirka Xanaanada Xoolahana loo magcaabyo Xuseen Saalax oo ka mid noqonaya xubnaha cusub ee golaha wasiirada.
Waxaana tibaaxaha iyo xogaha qaar sheegayaan in liiska cusub ee xubnaha golaha wasiirada ay suurta gal tahay inuu soo galo nin kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle oo lagu magcaabo Ina Shariif Dhegcad, kaas oo ka tirsanaa koxdii NSS-ta ee dawladii Somalia, isla markaana xiligii Marxuum Cigaal koox ay isku Nss-ta ahaayeen oo ka mid ahaa xukuumaddiisu usoo bandhigeen inuu ku bedelo Gudoomiyihii xilgaa ee golaha wakiilada Axmed Maxamed Aadan Qaybe oo ay is khilaafeen Marxuum Cigaal, balse uu ku gacansaydhay markii uu ogaaday inuu ka mid ahaa haya’ddii NSS-ta. Ina Shariif Dhegcad ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa dalka, iyadoo uu la rafiiq ahaa xubno ku dhaw dhaw qasriga Madaxtooyada iyo meelaha uu talooyinka ka dhegeysto.
Tibaaxaha shebekada Araweelonews ka heshay qasriga Madaxtooayada iyo xubno ku dhaw dhaw siyaasada Madaxweyene Siilaanyo ayaa ishaaraya in isku shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo waqtigan qorshaynayo ay tahay mid uu garwaaqsaday habacsanaan ka muuqata xukuumaddiisa oo lagu tilmaamo mid aan isla jaanqaadin mudadii ay jirtay ee sannadka ahayd. Sidaa awgeed qorshihiisa miiska saaran aanu ka danabynnayn saacadaha iyo maalmaha fooda inagu soo haya, isla markaana wasaaraddaha Gaashaandhiga , kaluumaysiga, Xanaanada Xoolaha, Arrimaha Debeda, Boosaha , Maallyadda, Qorshaynta Qaranka, Ganacsiga , Waxbarashada , Duulista iyo Gaadiidka Hawada, warfaafinta, Qoyska, Hawlaha Guud, Caafimaadka iyo Cadaaladda ayaa la filayaa inay saamayn ku yeelato isku shaandhaynta cusub ee Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo masuuliyiinta qaarkood waayi karaan xilalkooda, isla markaana waxa suurta gal ah in xubno cusub kusoo biiraan liiska golaha wasiiradda ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Sidoo kale waxa la filayaa in Haya’ddaha kale ee dawladda qaarkood iyo saraakiisha Agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha qaarkood la raaciyo isku shaandhayntaa oo noqonay sida ay sheegayaan tibaaxahaasi tii ugu balaadhnayd ee uu sameeyo Madaxweyne Siilaanyo mudadii sanadka ahayd ee xukuumaddiisa. Laakiin waxa xaqiiqda la ogaan doona saacadah iyo maalmaha soo socda iyo halka uu sal dhigo qorshaha Madaxweyne Siilaanyo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com