Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta si rasmi ah u dhaqan geliyay xeerka nidaamka ururada iyo Axsaabta siyaasada Somaliland ka dib markii dhawaan labada Aqal ee Baarlamaanka Wakiilada iyo Guurtidu uu midba dhinaciisa cod aan aqlabiyad
buuran ahayn ku meel mariyay.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sidaa ku sheegay war saxaafadeed kooban oo maanta ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland, kaas oo u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Maanta Dhaqan geliyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda.
Waxaanu Madaxweynuhu ku yidhi Dhaqan galka xeerkan sidan :-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Helay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL ee Go’aan Lr. GW/KF-15/534/2011, ee Ansixinta Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda,
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wuxuu Soo Saaray,Dhaqan-galka Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ee Xeer Lr. 14/2011.”
Xeerkani waxa uu dhigayaa in dalka laga furi karo ururo siyaasadeed oo ku tartama doorashooyinka dawladaha hoose ee fooda inagu soo haya, kuwaas oo la tartamaya sadexdii xisbi qaran ee hore u jiray, isla markaana waxaana sadexda urur ee ugu sareeya doorashooyinka goleyaasha deegaanku ay noqonayaan sadexda xisbi qaran ee jira muda toban sannadood ah.
Dhinaca kale dad baddan ayaa u arka arrinta furashada Ururada siyaasada mid dib u dhac ku keenay koboca nidaamka geedi socodka Somaliland iyo hanaanka dumuqraadiyada. Laakiin waxa jira aragtiyo kale oo iyagu ku doodaya inay furashada tartanka Ururada siyaasadu yihiin astaan horumar oo dhinaca dumuqraadiyada ah.
Xeerkaa Madaxweyne Siilaanyo saxeexay dhaqan galkiisa ayaa ahaa mid aan aqlabiyad buuran kaga gudbin labada gole baarlamaan ee Guurtida iyo wakiilada, kuwaas dhowaan ku meel mariyay. Kadib markii cod loo qaaday.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com