Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay waxqabadka wasaaradaha Ha’yadaha dawliga ah ee sadexdii bilood ee la soo dhaafay, taas oo qayb ka ah balanqaadkii xiligii Ololaha doorashada ee kal hore Madaxweyne Siilaanyo ugu balanqaaday shacbiga in waxqabadka
xukuumaddiisa saddexdii biloodba mar dadweynaha losoo bandhigayo.Qoraalka taxanaha ah ee waxqabadka xukuumadda sadexdii bilood ee lasoo dhaafay Wasaaradaha Cadaallada , Garsoorka iyo Gaashaandhiga ayaa u qornaa sidan:-
Wasaaradda Caaalada & Garsoorka
Waxa la dhammaystiray xeer-nidaamiyihii Xeerka qareennada oo uu la’aantii u meel-mari la’aa Xeerka Qareennadu, Waxaana la dhisay Guddiga Anshaxa iyo Ruqsad-bixinta Qareennada oo uu waajibinayo Xeerka Qareennadu.
Waxa la qabtay shirweynihii Cadaaladda ee aad, Mudane Madaxweyne, kaga baaqday khudbad sanadeedkii aad baarlamaanka ka horjeedisay sanadka bilawgiisii, shirweynahaas oo, iyadoo lala kaashaday hay’adaha UNDP &AWEPA, uu ka soo baxay Qorshe-Hawleedka Qaran ee Horumarinta Cadaaladdu oo la filayo inuu aasaas u noqdo Dib-u-habaynta Cadaaladda Guud ahaan.
Waxa Bahda Cadaalada laga hawlgeliyey 50 Dhalinyaro ah oo ka soo baxay Kuliyadaha Sharciga ee Jaamacadaha Dalka
Waxa laga hawl-geliyey Maxkamadaha Hoose ee Hargeysa & Borama iyo Ciidanka Asluubta 14 dhallinyaro sharci-yaqaano ah oo ka soo baxay Kulliyadaha sharciga laguna soo xulay imtixaan laga qaaday kuwaasoo la doonayo in “Internship” ahaan loogu kurdhiyo khibradda sharciga (legal skills) ee la xidhiidha dhinaca garsoorka arrintaas oo ay naga caawisay Hay’adda UNDP.
Waxa la soo geba-gebeeyey heshiis ay Hay’adda UNODC Xarun Cusub ugu dhisayso Wasaaradda Cadaaladda, waxaana Wasaaraddu ka soo guurtay Xarunteedii hore (oo daad wax-yeeleeyey) iyadoo inta dhismaha cusubi ka dhammaanayo ay hay’adaa UNODC u sii kiraysay guri ay Wasaaraddu ku sii shaqayso.
Waxa la diyaariyay in imtixaan laga qaado dhamaan mihnadlayaasha sharciga sida Nootaayooyinka iyo Xafiisyadda Ma’duumka, si adeeg hufan oo cadaaladeed ay bulshaddu u hesho lagana toosiyo dhinacooda oo muhiimad weyn u leh Cadaaladda Guud ahaan.
B. Xabsiyadda.
Hargeysa.
Waxa Wasaaradda iyo hay’adda UNODC isla qaateen in xabsiga dhexe ee Hargeysa lagu kordhiyo guryihii ay seexan lahaayeen askarta xabsiga ilaalisaa oo
hadda degan qayb ka mid ah hoygii maxaabiista, oo aan xabsiga looga maarmi Karin korodhka maxaabiista awgeed.
Waxa Wasaaradda iyo hay’adda UNODC ay isla qaateen in Xabsiga Hargeysa loo sameeyo bulaacado cusub si nadaafadda guud (sanitation) ee xabsigu u hagaagto.
Waxa Wasaaradda iyo hay’adda UNODC isla qaateen in magaalada Hargeysa laga hir-geliyo xabsi labaad oo leh qaybtii dumarka iyo Qaybtii Caruurta.
Waxa Wasaaradda iyo hay’adda UNODC isla qaateen in xabsiga Hargeysa laga dhiso wershaddii wax-soo-saarka ee ay xirfadda ku baran lahaayeen maxaabiistu, si marka Xadhiggu u dhammaado ay bulshada dib ugu noqdaan iyagoo shaqaysan karaya.
Waxa xabsiga Hargeysa loo iibiyey baabuur cusub oo ah nooca TOYOTA pickup.
Mandera.
Waxa Wasaaradda iyo hay’adda UNODC isla qaateen in Xabsiga Mandheera lagu kordhiyo guri cusub oo maxaabiista lagu xidho iyoin dib loo hagaajiyo Kijada (Kitchen) Xabsiga iyo wixii kale eel agama maarmaan ah ee Nadaafadda Guud kor loogu qaadayo.
Xabsiga Gabiley.
Waxaa booqay xabsiga Gabiley Wefti Norwegian ah oo laga filayo, siday ballan qaadeen, inay xabsiga ku kordhiyaan qaybo cusub,sida:-
In Derbi weyn Lagu wareejiyo Xabsiga.
In lagu kordhiyo Qaybo ay dumarku leeyihiin maadaama uu xabsigaasi hadda yahay ka keliya ee dumarka lagu xidho, aadna hadda cidhiidhi ugu ah.
Xabsiga Wajaale.
Waxaa la dhagax dhigay mashruuc xabsi lagaga dhisayo banka Wajaale, waxaana dhismahaas iska kaashanaya Ganacsatada Wajaale iyo Dawladda si looga faa’iideysto laba arrimood:-
in laga nasto dhibta dhallinyaradaas oo inta ay wax ku soo cabbaan dhinaca Ethiopia rabshad joogto ah ku haya dadweynaha Wajaale.
in xooga dhallinyaradaas lagaga faa’idaysto wax-soo-saarka beeraha ee banka Wajaale.
Ciidanka Asluubta
Taliska Guud
Waxa Ciidanka Asluubta laga hawl-geliyey Koox kubadda Cagta ah.
Waxa Ciidanka Asluubta laga aasaasay koox fannaaniin ah.
Waxa Ciidanka Asluubta loo iibiyey hal baabuur oo bas ah oo ay si wadajir ah u adeegsan doonaan labada kooxood ee kubadda cagta iyo fannaaniintu.
Xeer Ilaalinta
Burco
Waxa dhismahoodii dhammaaday oo lagu wareejiyey Xeer Ilaalinta Gobolka Togdheer xafiisyo ay hay’adda UNDP uga dhistay magaalada Burco.
Maxkamadaha
Hargeysa
Waxa dhismahoodii weli socdaa maxkamadaha Gobolka iyo Degmada Hargeysa, waxaana la filayaa in la dhammeeyo bisha soo socota.
Wasaaradda Gaashaandhiga
-furitaanka dhisme casri ah oo loo dhisay wasaaraddaoo ah 3 Dabaq
– waxa la dayactiray cisbitaalka ciidanka qaranka JSL
-dugsiga tababarka ciidanka qaranka dararweyne oo dhismihiisu dhammaystirmay.
-tirakoobka shaqaalaha wasaaradda.
Lasoco ————
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com