Garoowe(ANN)Kooxda Budhcad badeeda afduubka u haysatay in ka baddan tobnan maalmood Markabka MTJuba,XX ee shidaalka u siday shirkadda Red Sea oo ka ganacsata shidaalka Somaliland iyo Puntland ayaa shuruud la’aan kusii daayay caawa markabkaa. Kadib markii ay ka hawlgaleen oo ay waan waan
la galeen Budhcad badeeda Salaadiinta Somaliland iyo Odayaasha madax dhaqameedka Puntland oo ay weheliyeen xubno ganacsato ah oo ka mid ah shirkadda red Sea.
Sida ay xaqiijyeen warar shebekada Araweelonews ka heshay deeegaanka Baargaal ee lagu haystay markabkaa iyo xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe, waxay Salaadiinta labada dhinac wadahal la galeen hogaamiyayaasha Budhcad badeeda, kuwaas oo caawa ka rogay ciidankii saarnaa, isla markaana Markabka shidaalka siday usoo shiraacday galabta dhinaca magaalada Berbera.
Budhcad badeeda ka ugaadhsada gaadiidka Biyaha gacanka cadmeed iyo badweynta India, ayaa afduubay markabkaa 16 july, isagoo shirkadda Red Sea u siday 3500 (sadex kun iyo shan boqol ) oo Tn oo shidaal ah, balse ay kooxda Budhcad badeeda ahi ka Af-duubeen duleedka magaalada Boosaaso.
Koox Salaadiin ka socotay dhinaca Somaliland oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Mulkiilayaasha shirkadda ayaa todobaad ka dib u boqoolay dhinaca xarunta Puntland ee Garoowe, si ay wada hadal ergo ah ugu galaan in lasii daayo Markabkaa, iyagoo kaashanaya Odayaasha iyo wax garadka Puntland. Kadibna sidaa lagu soo daayay maanta, iyadoo aan wax shuruud mudax furasho ah lagu xidhin sida ay noo sheegeen warar la xidhiidha markabkaa oo aanu ka helay caawa Deegaanka Baargaal ee fadhiisimada u ah kooxaha Budhcad badeeda iyo xarunta maamulka Puntland ee Garoowe.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com