hor kacayo Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Ganacsiga Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Gudoomiyaha rugta ganacsiga ayaa ku macneeyay kulankooda Madaxweynaha inuu ahaa mid booqasho salaan ah, kaas oo sida ay sheegeen ka dambeeyay ka dib socdaal ay maalmihii ugu dambeeyay ku joogeen dalka Djibouti oo la xidhiidhay iskaashi laabada dal ah.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi oo kulankaa ka dib la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in uu ahaa mid booqasho uun ku kooban, wuxuuna yidhi, “Kulankani waxa uu ahaa mid ku kooban booqasho aan ugu tagnay madaxweynaha, sababta oo ah mar hadii aanu joogno magaaladda waxa aanu jeclaysanay in aanu madaxweynahana aragno. Madaxweynuhu si heer qaran ah ayuu noo soo howeeyay”. Ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda J. Somaliland.
Kulamada ay masuuliyiinta wasaarada Maaliyada Djibouti iyo ganacsiga la yeesheen ka dib waxay waftiga Somaliland ee uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadu booqasho ugu tageen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geele markii uu dhamaaday kulanka ay la yeesheen Madaxweynaha Djibouti waxay waftiga dhinaca Somaliland iyo xubno wasiiro ah oo uu hor kacayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Djibouti booqdeen xuduudka labada dal ee Lawyacado, iyagoo markaa kadib ku laabtay Djibouti.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa sheegay in socdaalkoodan ay ku yimaadeen dhinaca magaalada xuduudka ee lawya-caddo ay tahay sidii labada bulsho ee labada dal la isugu soo dhowaeyn lahaa korna loogu qaadi lahaa dhinaca wax wada qabsiga horu-marka gobolka.
Dhinaca kale waxa uu Wasiirku carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay kulankii ay kaga qayb galeen dalka Djibouti la sii xoojiyo isla markaana labadii biloodba mar la qabto.
sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ee dalka DJabouti Muuse Dawaare oo isna la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in kulamadda labada dhinac ay sare u sii qaadayaan siddii ay shacabku u ogaan lahaayeen inay yihiin kuwo walaalo ah.
Waxa kale oo uu tilmaamay in dhinacyadda ganacsiga iyo waliba koontarabaanadda u kala gudba labada dal loo baahan yahay in la iska kaashado.
Wasiirka Maaliyadda dalka Djibouti waxa uu intaa ku daray in xilligan oo ku beegan xagaagii ay socdaalkoodan u gogol xaadhayo sidii ay shacabka Reer Djibouti si sharciga waafaqsan uga talaabi lahaayeen xuduudka si ay ugu xagaa baxaan dhinaca jawiga nasashada leh ee Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com