Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka Cusbitaalka Magaalada Hargeysa si lama filaan ah ugu booqday Nadiifo Maxamed (Col U Joog) oo ah haweenay u ololaysa Nabada iyo sidii xasilooni iyo horumar loo gaadhsiin laaha gobolka Sool. Kadib
markii Khamiistii lasoo dhaafay koox dablay aan la aqoonsani ku toogteen magaalada Laascaanood, isla markaana dhaawaceeda la geeyay Cusbitaalka Hargeysa.Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku booqday gabadhaa qolka lagu dawaynayay. Kadib markii uu soo galay saaka barqadii xarunta cusbitaalka, isagoo aan wadan wax ilaalo ah, isla markaana saaran gaadhi yar, taas oo lama filaan ku noqotay boqolaal dad ah oo waqtigaa ku sugnaa cusbitaalka.
Booqashada Madaxweynaha kadib waxa gabadhaa oo dhaawaceedu culusyahay loo qaaday dhinaca dalka Ethiopia si loogu soo daweeyo, iyadoo diyaarad khaas ah la saaray wax yar kadib markii uu soo booqday Madaxweynuhu, taas oo lagaga qaaday dhabaha diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, iyadoo xaaladeedu kasoo raynaysay, balse dhaawac rasaasta lagala beegsaday madaxa oo ka haleeshay Afka dhaawac weyn gaadhsiisay.
Falka Foosha xun ee tacshiirada lagula beegsaday Nadiifo oo ah gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka iyo Dhalaanka Somaliland ee (NOW), isla markaana ah dadka u dhaqdhaqaaqa nabada ayaa la rumaysan yahay inuu la xidhiidho baaqyada nabadeed ee ay si cad uga hadlaysay mudooyinkii u danbeeyay fowdada iyo xasilooni darada ka jirta halkaa, iyadoo ku baaqaysay in aanay dagaalka iyo qaska ka socda Laascaanood dani ugu jirin bulshada gobolka. Sidaa awgeed loo baahanyahay in la qaato nabad si horumar loo gaadho, waxaana halku dhegyadii ay ka jeedisay kulamo uu gobolka ka sameeyay Wasiirka warfaafinta Xaabsade ka mid ahaa hadaladeedii “ Qurbajooga waxaan leeyahay Lacagta aad qoriga iyo rasaasta noo soo siinaysaan waxaad noogu bedeshaan Qalin iyo Buug caruurtayadu wax ha baratee.”
Gabadhaa ayaa hore kooxaha shirqoolada ka sameeya gobolka Sool u dileen Ninkeedii alla hawnaxariistee Marxuum Maxamed Xirsi (Asad),oo ahaa Taliyihii Sirdoonka Gobolka Sool ee Somaliland oo Goor caraways ah lagu dilay 7 March 2011 magaalada Laascaanood isaga iyo Taliye xigeenkii sirdooonka ee Sool Marxuum Carab Qawdhan iyo gabadh shicib ah.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com