ee Hanti-dhawraha guud ee qaranka ayaa kusoo beegmay. Kadib markii muran ka dhashay qabashada Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa oo ay xafiis ahaan amreen in la qabto, balse la hakiyay markii ay soo fara geliyeen wasaaradda Arrimaha gudaha, Maaliyada iyo xeer Ilaalinta oo saluugtay waxyaabaha lagu eedaynayo masuulkaa.
Mr. Maxamuud Dheere oo ah hanta-dhawraha guud ee Qaranka Somaliland waxa uu ka dayriyay dawladaha Hoose ee dalka oo uu tilmaamay inuu ka jiro musuqmaasuq baahsani waxaanu tilmaamay inay ka soo xidh xidheen magaalooyin dhawr ah masuul ka tirsan waaxaha dawladaha Hoose.
Maxamuud Aw Cabdi waxa uu sheegay in ay baadhis xoog leh ka wadaan dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa, isla markaana ay xabsiga u taxaabi doonaan cid kasta oo ay gasho baadhista ay wadaan.
Hanti-dhawraha guud ee qaranku waxa uu sheegay inay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda , cuqaal iyo salaadiin kala duwani kala hadlaan arrimo shaqadiisa la xidhiidha waxaanu balan qaaday inaanu cidna shaqadiisa u dabo fadhiisan doonin.
“Cidii hantida ummadda cuntaa kuma faa’iido waanu naqaanaa wax badan ayaanu shaqadan hanta dhawrka soo haynay waanu naqaanaa oo calaamado ayuu noo leeyahay qofka hantida ummadda cunaa kumana faa’iido. Waxaan masuuliyiinta iyo waxgaradka aanu leenahay ha taageerina qof hanti ummadeed ku eedaysan,”ayuu yidhi Hanti dhawraha guud oo xalay uu shalay siiyay TV-ga madaxa banaan ee Horn Cable laga sii daayay.
Hanti -dhawruhu wuxuu ka gaabsaday eedo loo haysto Xoghayaha fulinta dawlada hoose ee Hargeysa Deeq Xirsi Cambuur oo la sheegay inuu todobaadkan u soo jaray waaran qabasho ah hase yeeshee aan la fulin.kadib markii qabashadiisa ay ku gacansaydheen wasiirka Arrimaha gudaha Dr. Gaboose oo hakiyay amarkii lagu qaban lahaa masuulkaa, isla markaana ay Xeer Ilaalinta guud ee Qaranka Somaliland sida ay wararku sheegayaan ku qanci weyday ee ay saluugtay waxyaabaha lagu eedaynayo masuulkaa, taas oo muran ka dhex abuurtay wadashaqaynta Hay’addaha kala duwan ee Hanti-dhawrka, wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland iyo xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
What’s your Reaction?
+1
+1
+1
+1
+1
+1
+1