Laascaanood(ANN) Ciidabanka Amaanka Somaliland ayaa xabsiga u taxabaay Maayarkii magaalada Laascaanood Mr. Axmed Aw Daahir. Kadib markii lala xidhiidhiyay falal shirqoolo ka dhan ah amaanka iyo qarimada Somaliland. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay
Saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka oo ku sugan gobolka. Laakiin saraakiisha Bilayska iyo hogaanada ku sugan magaalada Laascaanood ayaa ka gaabsaday inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan xadhiga maayarka.
Hase yeeshee warar kale oo aanu ka helay magaalada Laascaanood ayaa tibaaxay in Maayarka la qabtay saaka kadib markii uu kasoo laabtay meel lagu magcaabo Karinta oo ku taala Hawda Magaalada Laascaanood, halkaas oo uu si qarsoodi ah ugu maqnaa laba maaalmood, iyadoo aanay socdaalkiisa waxba kala socon saraakiisha amaanka iyo masuuliyiinta sare ee xukuumadda Somaliland.
Warar aan la xaqiijin ayaa tibaaxay inuu halkaa kula kulmay wasiir ka tirsan maamulka Puntland iyo sarkaal ka tirsan kooxda nabad diidka ah ee SCC, isla markaana ay qorshayaal ka dhan ah qaranimada iyo amaanka Somaliland ka wadeen halkaa, balse warar kale ayaa sheegaya inuu hub iyo saanad milateri u gedbiyay kooxda SSC oo nabad diidka ah, taas oo ay ciidamada Booliska ku raad joogeen dhaqdhaqaaqiisa.
Maayarka xabsiga loo taxaabay ayaa mudooyin baddan lagu xidhiidhiyay inuu lug ku leeyahay qaraxyada iyo shirqoolada ka dhacayay magaaladaa dhawrkii sanandood ee u danbeeyay oo uu maayar ka ahaa Laascaanood, kuwaas oo lagu khaarajiyay saraakiil iyo masuuliyiin baddan oo xukuumadda Somaliland ka tirsan.
Wixii kasoo kordha xadhiga Maayarka kala soco shebekada Araweelonews