alla ka cabsi ah lag bilaabay cawayskii Caawa. Kadib markii si weyn looga dareemay dayax madoobaadka, isla markaana waxa la waayay xidigihii iyo gebi ahaanba iftiinka cirka.
Dadka ayaa guryohooda kasoo baxay markii ay maqleen dhawaaqa masaajidada, waxayna dadku camireen masaajidada oo ilaa sideedii caawa laga waday salaad iyo quraan akhris weli ka socda xiligan oo saacada afrikada bari maray saqbadhkii habeenimo.
Dadka wadooyinka iyo shaaracyada marayay xiligii dayaxu madoobaaday ayaa cirka ku mashuulay, iyadoo dadkii gaadiidka watay ka degeen gaadiidka si ay u eegaan cirka iyo waxa ku dhacay dayaxii oo midabo casaan iyo madaw isku shaqlay. Kadibna la arki waayay.
Dalalka carabta, badhtamaha iyo Bariga Afrika , India iyo meelo kale oo dunida ah ayaa laga dareemay dayax madoobaadkan oo ay suurta geli weyday in xataa lagu arko telescop , waxaana lagu tilmaamay inaanu sidan oo kale ku dhicin dayaxa taariikhda dunida, marka laga reebo 4,000 oo sanadood ka hor oo sidan oo kale ku dhacday dayaxa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com