Hargeysa(ANN) Masuulkii u horeeyay ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iska casila xilkii uu ka hayay xukuumadda, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in isku shaandhayn si weyn loo hadal hayay mudooyinkii u danbeeyay, taas oo la filayo saacadaha soo socda, ama
maalmaha soo socda. Agaasimaha Guud ee Dibu-dajinta Somaliland Axmed C/laahi Rooraaye ayaa saaka isagu ku dhawaaqay inuu xilkii uu ka hayay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iska casilay maanta, wuxuuna Sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu saxaafada kula hadlay.Araweelonews kala soco sababaha is casiilada Agaasimaha guud ee dib u dejinta iyo arrimo kale oo la xidhiidha.