Hargeysa(ANN) Subaxnimadii hore ee saaka ayay kumanaan dadweynaha Magaalada Hargeysa oo ka kala yimi degmooyinka iyo xaafadaha magaaladu kusoo qulquleen wadada weyn ee wadnaha u ah magaalada, iyadoo gebi ahaanba la joojiyay gaadiidka ilaa 12 duhurnimo ee maanta. Madaxweyna
Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan Seylici ayaa loo qorsheeyay inay salaanta ku qaataan barxada hore ee Madaxtooyada Somaliland, iyadoo ay boqolaal kun oo u baddan dhalinyaro iyo haween, kuwaas oo lulaya astaanta calanka Somaliland oo ay siyaabo kala duwan u xidhan yihiin, qaybaha kala duwan ee ciidamada qaranka ayaa socod ku maraya wadada dheer ee hormarta dhakhtarka Hargeysa iyo Madaxtooyada Somailand. Markaa ka dib waxay boqolaal kun oo qof isugu yimaadeen fagaaraha tarbuunka beerta xoriyada , waxaana halkaa kusoo bandhigay fanaaniinta Somaliland riwaayad magaceedu yahay “Arji Qaran”, waxayna soo bandhigeen heeso kala duwan oo ay ka mid ahayd hees cusub oo la yidhaahdo Liibaanta May iyo waa labaatan guurada. Mdaxweyne Siilaanyo ayaa qudbad dheer oo taariikhiya ka jeediyay halkaa, isagoo ka hadlay taariikhda munaasibada la xusayo iyo waayihii ay soo martay Somaliland.
Qudbada Madaxweynaha iyo sida looga xusay gobolada dalka ayaanu idiin soo gudbin doonaa insha allaa saacadaha soo socda.