Laascaanood(ANN)Cutub ka tirsan Ciidanka Qarnka Somaliland oo kaashanaya ciidanka Booliska gobolka Sool ayaa gacanta ku dhigay koox hubaysan iyo gaadhigii ay wateen. wax yar ka dib markii ay tacshiirado rasaas ah galabta ay la beegsadeen Taliyihii Ciidanka Nabadgelyada Wadooyinka gobolka
Sool oo ahaa sarkaal magaciisu yahay Aadan, kaas oo galabta ku dhaawacmay rasaas ay ku fureen dablay hubaysani, xili uu sii galaeyey gurigiisa magaalada Laascaanood.Sarkaalkaa waxa soo gaadhay dhawaac fudud, iyadoo ay ku dhaceen laba xabadood, wuxuuna ka gaadhay dhawaac Lugta. Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan maamulka gobolka Sool.
Taliyaha ciidanka Nabadgelyada wadooyinka ayaa is difaacay markii ay kooxdani tacshiirado raraas ah ku weerareen, waxayna isku dayeen inay baxsadaan markii ay ku guuldaraysteen inay fuliyaan dilkaa shirqoolka. Laakiin sida ay saraakiisha Maamulka gobolka Somaliland ee Xukuumadda Somaliland sheegeen waxa markiiba goobta yimi cutub ka tirsan ciidanka qaranka , kuwaas oo iyagoo kaashanya ciidanka Booliska gacanta ku dhigay Lix Nin iyo gaadhigii ay wateen, kuwaas oo ahaa kuwii fuliyay dilka lala beegsaday sarkaalka, waxaana la qabtay iyagoo doonayay inay si dhuumasho ah uga baxaan magaalada Laascaanood.
Jimcihii shalay ayaa fal noocan oo kale ah lagu dhaawacay sarkaal ka tirsanaa ciidanka booliska gobolka Sool oo magaciisa la yidhaahdo Jaamac Muuse Cawad, oo rasaas lagu furay salaadii makhrib markii uu ka soo baxay masaajid ku yaala magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo xiliyadan dambe ay sii xumaatay xaalada nabadgelyo ee ka jirtaa, isla markaana bartilmaameed u noqotay dilal qorshaysan oo lagu khaarajiyo madaxda gobolka iyo laamaha dawlada.
Sidoo Todobaadkii hore ayay ahayd markii Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Sool Maxamed Aadan Cartan, uu ka badbaaday qarax lala beegsaday oo la doonayay in lagu khaarajiyo xili uu ka yimi xarunta maamulka Gobolka Sool kuna sii jeeday Gurigiisa magaalada Laascaanood, mana jirto fal illaa hada cid loo hayo falkaa, iyadoo ay kooxaha shirqoolada dilalka iyo qaraxyada ka wada gobolka Sool doonayaan inay meesha ka saaraan masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland eek u sugan gobolka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com