Laascaanood(ANN)Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland ee gobolka Sool ayaa caawa cawayskii lala beegsaday tacshiirad rasaas ah. Kadib markii uu kasoo baxay Masjid ku yaal Koonfurta magaaladda laascaanood. Sarkaalka oo magaciisu yahay Jaamac Muuse Cawad, waxa tacshiirad rasaas ah la
beegsaday dablay aan weli la aqoonsan, kuwaas oo baxsaday kadib markii ay ku fureen sarkaalka rasaasta, waxaana dhawaac culusi soo gaadhay sarkaalkaa Booliska ah oo cusbitaalka loola cararay. Sidaana waxa shebekadda wararka ee Araweelonews u xaqiijiyay saraakiil ka tirsan Booliska gobolka Sool.
.
Ciidanka booliska ayaa wada baadhitaan ku saabsan cidii ka danbaysay tacshiirada lala beegsaday sarkaalkaa oo dhaawaciisu culus yahay, iyadoo xabaddo kaga dhaceen Dhabarka. Sarkaalkan ayaa noqonaya kii shan iyo tobnaad ee labadii sannadood ee u danbeeyay lala beegsado shirqool dilal ka socday xarunta gobolka Sool, kuwaas oo loo adeegsado qaraxyo miino kuwa sheedo laga hago iyo kooxo afka soo duubta oo weerara masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland ee gobolka Sool.
20 April Todobaadkii hore ayay ahayd markii Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Sool Maxamed Aadan Cartan, uu ka badbaaday qarax lala beegsaday oo la doonayay in lagu khaarajiyo xili uu ka yimi xarunta maamulka Gobolka Sool kuna sii jeeday Gurigiisa magaalada Laascaanood, mana jirto fal illaa hada cid loo hayo falkaa, iyadoo ay kooxaha shirqoolada dilalka iyo qaraxyada ka wada gobolka Sool doonayaan inay meesha ka saaraan masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland eek u sugan gobolka.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com