Laascaanood(ANN)Dablay hubeysan oo aan la aqoonsan tiradooda iyo kuwa ay yihiin ayaa salaadii maqrib kadib si badheedha u toogtay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool Axmed Saleebaan Geele oo waqtigaa kasoo baxay Masjid jaamaca Magaalada Laascaanood. kadib markii
ay tacshiirad rasaas ah ooda kaga qaadeen.
Sidaana waxa shebekada wararka ee Araweelonews u sheegay dad kala duwan oo ku sugan magaalada laascaanood, kuwaas oo sheegay inaan ilaa hada la hayn dablayda fulisay dilka guddoomiyahii maxkmadda gobolka Sool Alla haw naxariistee Axmed Saleebaan Geele.
Ciidanka amaanka ayaa goor danbe gaadhay goobta uu dilku ka dhacay, balse ku guuldaraystay inay gacanta ku dhigaan dablaydii fulisay dilkaa, waxayna wararka ka imanaya dhinaca magaalada Laascaanood sheegayaan inay ciidanka amaanku wadaan baadhitaan ku saabsan wixii ka danbeeyay dilkaa.
Sarkaalka garsoorka ee lagu dilay Laascaanood ayaa noqonaya kii labaad mudo laba todobaad ka yar ka dhaca magaalada Laascaanood, iyadoo dablay aan la aqoonsan sidan oo kale 7 March 2011, xiligan oo kale ugu dileen magaalada Laascaanood Taliyhii Sirdoonka Somaliland ee gobolka Sool Marxuum Maxamed Maxamuud Xirsi (Asad), isla markaana dhaawac gaadhsiiyeen Taliye-ku-xigeenkiisii Carab Qawdhan iyo gabadh shicib ah, ka dib markii ay niman hubaysani ay ku dhex toogteen meel u dhow Masjid magaalada Laascaanood badhatankeeda ah.
Dilalka noocan ah ayaa sannadii u danbeeyay si isdaba joog ah uga dhacayay, kuwaas oo lala beegsanayay saraakiisha maamulka dawladda Somaliland eek u sugan gobolka Sool, waxaana dilalkaa qaarkood loo qabtay dad baddan, balse mar kale ayay dilalkii dib uga bilaabmeen xarunta gobolka Sool dhamaadkii sannadkii 2010. Wax yar ka dib markii Xukuumadda cusubi la wareegtay talada.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com