Ethiopia(ANN) Dawladaha Ethiopia iyo Somaliland ayaa isku dayaya inay Midowga yurub (EU)-da ka helaan dhaqaale lagu dhiso jidka isku xidha magaalada xadka ku taalla Wajaalle iyo Dekada Berbera ee Somaliland.Sidaasi waxa faafiyay
Website-ka dawlada Ethiopia ee Walta Information Center, waxaana lagu sheegay haddii dhaqaalahaa ay helaan labada dawladood waxay ku dhisayaan jid dherarkiisu yahay 245 Km, mashruuca la magac baxay Berbera corridor. Waxay dawlada Ethiopia ee aan dalkeedu badda lahayn ku doonaysa inuu u fududeeyo sidii ay u isticmaali lahayd marsadda magaalada Berbera, oo ay xiligan ka soo dejiso oo qudha raashinka gargaarka ah ee ay ugu deeqaan Ha’yadaha qaramada midoobay.Sidoo kale, waxa uu sii xoojinayaa xidhiidhka ganacsi ee ka dhaxeeya dalalka Ethiopia iyo Somaliland oo waqtigan uu ka dhaxeeyo xidhiidh adag oo ku wajahan dhinacyada nabadgelyada iyo ganacsiga.
Mashruuca Corridor ayaa mudo dhawr sannadood ah ay labada dhinac ee Somaliland iyo Ethiopia qorshaynayeen, balse waxa hortaagnaa arrimo dhaqaalle oo lagu fuliyo mashruucaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com