Hargeysa(ANN) Aradayda dugsiyada sare iyo fasalada sideedaad ee Somaliland ayaa saaka u fadhiistay imtixaanka sannad dugsiyeedka 2009/2010, kaas oo ka dhacay gobolada dalka oo dhan.
Waxaana Imtixaanka sannadkan ka qayb galay in ka badan 12000 (laba iyo toban kun) oo Adray oo u fadhiistay gebi ahaanba gobolada dalka Somaliland.
Gudoomiyaha Xarunta imtixaanaadka Somaliland Daa’uud Faarax ayaa u sheegay saxaafada in tirada Aradayda la filayo inay ka qayb galaan ee u fadhiisanaya imtixaanaadku, wuxuuna ku dardaaray waalidiinta iyo Aradaydaba inay ka digtoonaadaan adeegsiga moobilada ee imtixaanaadka oo dhibaato u keeni kara Aradayga.
Marka laga yimaado dugsiyada dawladu maamusho waxa jira qaar ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ardayda wax ka barataa ka qaybgasho imtixaanaaka sannad dugsiyeedka.
Xilaga ay Aradaydu u fadhiisteen imtixaanaadka ayaa ku soo beegmay iyadoo wax ka yar laba todobaad ka hadheen maalinta loo asteeyay inay bulshada Somaliland codkooda dhiibtaan doorashada madaxtooyada ee loo qorsheeyay 26 Juun 2010.
Sidaa darteed ay Somaliland ka socdaan kaanbeyno iyo ololayaal saddexda xisbi ku kala jiidanayaan dadka, isla markaana ay samaynayaan isu soo baxyo uu mid waliba ku muujinayo cududa taageerayaashiisa.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Hargeysa Office
E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com