Hargeysa(ANN) Wefdigii ugu cuslaa ee wakiilo dublamaasiyiin ka socda 16, wadan iyo Urur goboleedyo sida Midawga Yurub iyo IGAD ayaa Somaliland yimi maanta, waxayna durbadiiba kulan kula yeesheen qasriga Madaxtooyada Madaxweynaha Somaliland
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo shirgudoonka Labada gole Baarlamaan ee Somaliland.
Sidoo kale wefdigu waxay Huteelka Maansoor kaga dhegeysteen warbixin wasiirka Arrimaha debeda Somaliland iyo xubno kale oo ka tirsan gollaha wasiirada. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafada loogu tala galay oo kasoo qasriga madaxtooyada kulamadaa kadib.
Qoraalkaa oo lagu sheegay inay ujeedada wefdigu tahay xog ogaal u noqoshada xaalada Somaliland iyo waxyaabaha ay qabsatay ayaa lagu xusay inay booqashadoodu tahay mid maalin ah.
Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada oo uu ku saxeexanyahay af-hayeenka madaxtooyada C/llaahi Daahir Cukuse ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti balaadhan oo ka kooban 16 Xubnood oo ka kala Socda wadamada Ethiopia, Belgium, Finland, France, Germany, Jaban, Italy, Netherlands, Norway, Uk, Spain, Turkey, USA, Brasil, Wakiilka EU u Fadhiya Djibouti iyo Xoghaynta urur Goboledka IGAD.
Madaxweynuhu waxa uu Weftiga uga waramay Horu-marka dhinacyada badan leh ee ka socda Somaliland waxa kale oo uu u sheegay inay Somaliland Beesha Caalamka ka sugayso Gacan qabasho dhinaca dhaqaalaha iyo aqoonsi, si uu dedaalkan ay Somaliland la timid u noqdo mid xaqiijiya Himillada ummadda.
Eng Mahboub Maalin oo ah Xoghaynta guud ee Urur Goboleedka IGAD ayaa isaguna madaxweyanha uga mahad celiyey soo dhawaynta uu weftigu kala kulmay Somaliland waxaanu sheegay inuu socdaalkooda weftigu daba socday safar hore oo Urur goboleedka IGAD Somaliland ku yimaadeen, kaas oo ujeedadiisu tahay xogogaal u noqoshada waxa ay qabsatay Somaliland.
Ambassador Renzso Rosso oo ah safiirka Talyaaniga u fadhiya Ethiopia kuna hadlayay magaca safiirada ayaa madaxweynaha uga mahad-naqay soo dhawaynta iyo qaabilaada ay kala kulmeen Somaliland.
Safiirku waxa uu sheegay inay farxad gelisay waxa ay indhahooda ku arkeen oo ah waxa ay qabsatay Somaliland, Dhismaha ka socda, Ganacsiga iyo nabad gelyada ka jirta Somaliland.
Weftiga oo booqasho maalina ku joogaya wadanka waxa kulanka ka dib Hotel Mansour warbixin dheer ku siiyey Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qarshaynta iyo Xubno kale.
Dhinaca kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Debeda, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Macdanta iyo tamarta, wasiirka Arrimaha Guddaha, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Gudoomiyaha Golaha Guurtida, Gudoomiyaha Golaha waskiilada iyo Gudoomiye kuxigeenka Golaha wakiilada.
Dhinaca Weftigu waxay ka koobnayeen sidan:-
1. Ethiopia: Amb. Negash Kibret
2. IGAD Secretarial: Executive Secretary Ing. Mahboub Maalim
3. Belgium: Amb. Gunter Sleewagen
4. EU ( Djibouti): Frederic Roberts
5. Finland: Amb. Leo Olsvirta
6. France: Amb. Jean-Chirstophe Belliard
7. Germany: Nichael Biontino
8. Jaban: Amb. Hiroyuki Kishino
9. Italy: Amb. Renzo Rosso – Alberto Vecchi
10. Netherlands: Sjoerd Smit
11. Norway: Amb. Odd-Inge Kvalheim
12. Uk: John Marshall, Sean Cockburn
13. Spain: Jose Eugenio Thovar Loxano
14. Turkey: Amb. U. kenan Ipek- Elif Okutucu
15. USA ( Bilat )Amb. Donald Booth
16. Brasil: Amb. Isabel Cristina de Azvedo Heyvaert
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@raweelonews.com