Muqdisho(ANN) Gaadhi Dhayne ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Kadib markii xero ay deganaayeen ciidamada dawladda taagta daran lagu qarxiyay. kooxda Aal-shabaab ayaa sheegatay qaraxa maanta ka dhacay magaalada
muqdsiho, iyadoo Xukumadda Soomaaliya ee taagta daran ayaa dhinaceeda si weyn u cambaareysay.
Wararka ka imanaya magaalada muqdsiho ayaa sheegaya in 11 qof naftooda ku waayeen weerarkaa, iyadoo 35 kalena ay ku dhaawacmeen. 15 ka mid ah dhaawaca cisbitaalka markii hore la geeyay ayaa laga saaray. kaddib markii la daweeyay, iyadoo 20 kalena weli cisbitaalka ku jiraan. Sidoo kale Dadka dhintay waxaa ka mid ah laba carruur ah oo dadoodu tahay 10 iyo 11 sanno jir, kuwaas oo goobta qaraxu ka dhacay u dhowaa.
Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah dad rayid ah oo ay ku jiraan dad meesha ku sameynayay jimicsi.
Wasiirka Warfaafinta, Boostaha iyo Isgaarsiinta dawladda taagta daran oo ka hadlaya arrimahaa ayaa yidhi, “Wuxuu ahaa weerar fulaynimo ah. Kooxda xagjirka ah waa caadadooda in mar kasta oo ay ku jabaan goobaha dagaalka ay bar-tilmaameedsadaan meelo jilicsan.”
“Hase ahaatee ciidankayagu kuma niyad-jabayo falalka qaska ku dhisan, wayna sii wadi doonaan tallaabooyinka ay ka qaadayaan ilaa inta ay dalka ka baabi’iyaan xagjirka iyo argagixisada.”
Weerarkan ayaa kusoo beegmay maalmo kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxda Al-Shabaab dagaaladii u danbeeyay kaga dhinteen saraakiil sare oo shisheeye ah iyo dagaalyahanno Soomaali ah kaddib markii ciidanka Dowladda iyo AMISOM ku qaadeen dagaal fadhiisimo ay deganaayeen.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com