Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu tacsi u dirayaa Golaha Wakiilada JSL, Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu Ka Baxay MARXUUM AXMED CABDI SICIID oo ka mid ahaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo ku Geeriyooday Magaalada Hargeisa laguna Aasay Xabaalaha Naaso Hablood.
Tacsi taa la mid ahna waxa u Madaxweynuhu u dirayaa Golaha Wakiilada, Xisbiga UCID iyo Guud ahaanba Shacbiga Reer Somaliland
Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga Rajeeyey MARXUUMKA inuu Qabrigiisa u nuuro Naxariistii Janno ka waraabiyo
Dhamaanteena uu samir iyo iimaan inaga siiyo Aamiin Aamiin