Berbera(ANN)Waftigii ganacsatada ahaa ee ka socday shirkada Al-jaabiri oo kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa gaadhay magaalada Berbera oo ay ku leeyihiin Maxjarka xoolaha, waxayna toos u waajaheen
booqasho kormeer ah oo ay kusoo mareen maxjarada labada ah ee ay shirkadoodu maamusho(Gulf International) ee midi hada shaqeeyo kakalena dhismihiisu ka socday duleedka haamaha shidaalka, balse la hakiyay.
waftigan ayaa ka koobnaa wiil uu dhalay Al-jaabiri, Ganacsade Cabdala Al- Camuudi iyo iyo raaciyadoodii u joogtay shirkaadooda Gulf International Berbera. Sidoo kale waxa la socday wiilka uu dhalay ganacsadaha Saleeban Al-jaabiri, ninka ganacsadaha ah ee ay shirkadan gulf wada leeyihiin oo lagu magcaabo Cabdala Al- Camuudi iyo maamulaha guud ee shirkada gulf international Xassan Alxasaani. Kooxda waxa horkacayay oo hogaaminaayay dilaalkooda weyn ee Cali Ibraahin Ciise(Cali Waraabe), laakiin waftigan ayaan magaalada Berbera ka helin raxlayntii iyo soo dhaweyntii ay uga barteen maamulkii halkan Berbera u joogi jiray xukumadii udub oo xidhiidhka wanaagsani ka dhexeeyay shirkaddaa uu gadhwadeen u yahay ganacsdaha Al-jaabiri ee kootada loogu xidhay xoolaha nool waqtigii ay xukunka dalka haysay xukumadii Daahir Rayaale ee lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyadda ee ka dhacday Somaliland 26 Jun 2010.
Kooxda ka socotay Al-jaabiri ayaanay wax farxadi wajigooda ka muuqan, isla markaana kooxda oo booqday xarunta Maxjarka ay ku leeyihiin halkaa oo ah xeriyihii hore ee xoolaha lagu xerayn jiray oo ay ku xidheen qasabado si xoolaha loogu siiyo Biyo iyo Caws. Sidoo kale kooxda Al-jaabiri ayaa booqday goob ay doonayeen inay ka sameeyaan maxjarkii rasmiga ahaa ee ay hore ugu balanqaadeen oo laga bilaabay dhulka duleedka haamaha Shidaalka ee Berbera. Laakiin ay xukuumaddii rayaale Digreeto madaxweyne kusoo saartay in aan wax dhisme ah laga binayn dhulkaa oo kaydka Dekedda ah ayaa xiligii kala guurka labada xukuumadood looga bilaabay si qarsoodi ah dhisme ayaa la joojiyay. Kadib markii la xaqiiqsaday in aanay ahayn goob ku haboon Maxjar in laga sameeyo, kaas oo hadda la hakiyay.
Suxufiyiin doonayay inay wax ka weydiiyaan ujeedada socdaalkooda kooxdaa Al-jaabiri ayaanay u suurta gelin. Kadib markii Ganacsade Cali Waraabe oo ka mid ah dilaaliinta Al-jaabiri iska hortaagay inay kooxdaa wax ka weydiiyaan hawlaha ay wadaan iyo waxa iska bedelay hawshoodii ganacsi mar haddii ay meesha ka baxday xukuumaddii ay heshiiska la galeen.
Sidoo kale waxay suxufiyiintu doonayeen inay kooxda Al-jaabiri wax ka weydiiiyaan, waxyaabaha sababay xoolaha laga soo celiyay labadii markab ee ugu danbeeyay ee ay u raraan dalka Sucuudiga, halka Markabkii kale ee shirkadda Deero u rarnaa oo ay mar ka wada bexeen Berbera laga rogay gebi ahaanba xoolihii saarnaa, iyadoo socdaalkooda Berbera ku soo beegmay iyadoo ay Dekedda taagan yihiin laba markab oo xoolo soo celiyay, kuwaas oo ka baxay Maxjarkooda, isla markaana magacyadoodu kala yihiin M/V Betta oo dib ugu soo celiyay Dekedda Berbera xoolo gaadhaya (10.000)neef, halka Markabka kale ee lagu magcaabo M/V Malak uu soo celiyay (7000)neef oo ay hore uga qaadeen Dekedda Berbera labadaa markab, kuwaas oo wadarta xoolaha ay soo celiyeen yihiin (17000)neef oo Adhi ah.
Xoolahaa oo lagu baadhay Maxjarka ay leeyihiin Al-jaabiri ayaa sitay shahaadada uu bixiyo maxjarkaa ee caafimaadka oo ay shirkadiisu maamusho, waxaana xoolaha lahaa dhamaantood lahaa ganacsato muwaadiniin ah, iyadoo xoolaha mar lala raray markab weyn oo ay leedahay shirkada Al-jaabiri oo lagu magacaabo M/V Baraka 5, kaas oo qaaday xoolo dhan (76000)neef oo ay lahayd shirkada Al-jaabiri, kuwaas xoolaha mar lagu wada baadhay oo dhiiga lagaga qaaday maxjarka uu Al-jaabiri uu maamulo, iyadoo la siiyay shahaado ay hore u sheegeen inay tahay mid caalamiya oo wadamada khaliijka laga aqoonsan yahay. Kooxda Al-jaabiri waxay booqashada goobahaa ka dib iyagoo u muuqday kuwo weji gabax iyo filanwaa ku dhacay ka dhoofeen Madaarka Berbera, taas oo ahayd mid bilaa sanqadh ah oo aan hore looga baran mudadii xukuumaddii hore ee Rayaale.
Haseyeeshee soo celinta xoolaha ay khaaska u lahaayeen ganacsatada muwaadiniinta Somaliland ee la mariyay maxjarka Al-jaabiri ayaa u muuqata mid siyaasadeed, oo lagu wiiqayo ganacsatada xoolaha ee muwaadiniinta ah.
Sida la ogyahay shirkadda Gulf international iyo masuuliyiinteeda ganacsiga ku bahoobay oo hore xukuumaddii Rayaale kooto ugu galisay xoolaha nool ee soomaaliland, waxa la rumaysan yahay in aanay ku faraxsaneyn maxjarka labaad ee laga furay, Balse waxa muuqata hadda inay ka rajo qabeen intii aan la bedeli wasiirkii hore ee xanaannadda xoolaha Dr Axmed Xaashi Oday oo isagu intii xilkaa hayay siwanaagsan ula shaqeeyay shirkadda, isla markaana aan ka madhnayn bilawgii qorshaha Al-jaabiri ayay dad badani xusuusan yihiin Dr. Axmed Xaashi Oday dareenkii uu ka muujiyay munaasibadii furitaanka Maxjarkaa labaad ee wadaniga ah isaga oo xafladii furitaanka dib uga dhacay.
Hase yeeshee markii xukuumadda cusubi xukunka dalka ku guuleysatay iyo ogolaashihii maxjarka labaad ee Berbera oo ay si weyn ugu riyaaqeen bulshada Somaliland iyo ganacsatadii xoolaha, taas oo keentay in gebi ahaanba sixirka xooluhu kor u kaco, isla markaana dhaqdhaqaaqii suuqa xooluhu si weyn isu bedelo, tusaale ahaan qaar badan oo ka mid ah ganacsatada xoolaha oo aanu arimahan wax ka weydiinay ayaa waxa ay aad ula dhacsan yihiin maxjarkaa dhawaanta la furay, iyaga oo iftiiminaya inuu tartanku wanaagsan yahay kootadiina laga baxay.
Ganacsatadaa ayaa timaamay inay kootadu dhinacyo badan saamayn kaga yeelatay, balse aanay ku koobnayn oo keliya xoolaha iyo maxjarka oo qudha. Laakiin ay ahayd mid gashay ilaa Seyladdaha xoolaha loo iibgeynayo. Sida seyladda ugu weyn ee xoolaha la geyn jiray ee dalka Sucuudiga oo ah wadanka ay u dhashay Al-jaabiri, tusaale ahaan gaadiidka bada ee xoolaha la saaro ayaa ahaa mid laysu soo dhexgalay, sababtoo ah maraakiibta xoolaha berigaa qaadi jirtay waxa iska lahaa oo siduu doono ka yeeli jiray ganacsade Al-jaabiri, kuwaas inta badana uu raran jiray, isagoo ganacsatada kale ee Somaliland ku kaantarooli, isla markaana ku amar ku taaglayn jiray ganacsatada oo ay suququl wax ugu qaadi jireen.
Xoolaha xiligan soo celintooda iyo xaalada ay kala soo kulmeen kooxda Al-jaabiri madaxtooyada ayaa muujinay inay kusoo hugoobeen oo rabitaankoodii ku qasaaray. Sidaa awgeed ay qorshayaasha xoolaha lagu soo celinayaa yihiin kuwo siyaasadeed oo la xidhiidha isbdelka dhinaca tartanka xoolaha ee meesha laga saaray kootadii iyo maxjarkii lagu cunaqabateeyay ganacsatada xoolaha dhoofiya oo meesha ka baxay markii la furay maxjarka labaad ee casriga ah.
Si kastaba ha ahaatee waxa la gudboon Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo inay la xisaabtanto kooxda A-jaabiri, isla markaana la helo siyaasad cad oo ku wajahan dhoofka Xoolaha, si aanay u iman caqabado wax yeeli kara suuqyada ganacsiga Xoolaha iyo sumcadoodaba.
Araweelonews Mobile Somaliland Office
info@araweelonews.com