Hargeysa(ANN)Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa marar baddan ku celcelisay in mudadii Xukuumadda cusub uu kordhay dakhilaga ilaha dhaqaalaha ee dalka. kadib markii ay meesha ka saartay qorshihii iyo maamulxumadii ay ku tilmaantay inay masuul ka ahaayeen maamulkii ay xilka kala wareegeen
ee xukuumaddii Rayaale.
Xukuumadda cusub ee Madaxweyne Siilaanyo oo xiligii kaanbaynka balanqaaday inay wax ka qabanayso habaynta ilaha dhaqaalaha dalka si ay uga dhabayso balanqaadyadeedii ayaan soo bandhigin waxyaabo cadaynaya jiritaanka korodhka dakhliga ee goobaha Kastamadda dalka, taas oo la filayo inay ku muujiso mala awaalka miisaaniyad sannadeedka la filayo inay maalmaha soo socda u gudbiso gollaha wakiiladda Somaliland. Haseyeeshee Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka dhawaajiyay shalay inay xukuumaddu gebi ahaanba mushaharooyinka u kordhisay Ciidamadda Qaranka iyo shaqaalaha dawladda, iyadoo loo kordhiyay 100% sannadka cusub ee hada bilaabmay. Dhawaaqa Madaxweyne Siilaanyo waxa weheliyay Wasiirka Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi oo isaguna ku sheegay waraysi uu xalay siiyay wargeyska Haatuf inay xukuumaddu iyadoo fulinay balanqaadkii Madaxweynaha ee xiligii kaanbaynka u kordhisay ciidamadda iyo shaqaalaha mushaharka 100%. Sidoo kale wuxuu Eng. Xaashi waraysigaa ku sheegay in aan Ardayda Dugsiyada laga qaadayn lacagtii hore looga qaadi jiray oo sida uu xusay ka bilaabmay sannadka cusub, isla markaana ay shaqo geliyeen oo musharooyin loo qoray 1500 (kun iyo shan boqol) oo macalimiin ah oo aan hore wax mushahar ah u qaadan jirin.
Talaabada ay xukuumaddu ku go’aansatay kordhinta mushaharooyinka Ciidamadda iyo shaqaalaha ayaa si weyn loogu riyaaqay, waxayna farxad iyo yididiilo gelisay inta baddan bulshada Somaliland, iyadoo talaabadani noqotay mid si cad u muujisay maamulxumadii iyo musuq-maasuqii ay Xukuumadda cusubi farta ku fiiqi jireen xiligii ay mucaaridka ahaayeen oo ay xukunka haysay xukuumaddii Rayaale ee lagaga guulaystay doorashadii Madaxtooyadda Somaliland ee 26 Jun 2010.
Sida ku cad xogo ay shebekadda Araweelonews heshay oo la xidhiidha korodha dakhliga ee goobaha Kastamadda dalka, waxa kor u kacay dakhliga cashuuraha mudadii Xukuumadda cusub, taas oo muujinay sida ay wasaaradda Maaliyadu culayska u saartay habaynta goobaha ilaha dhaqaalaha ee dalka, isla markaana waxay xisaabaadka dhaliga ee shebekadda Araweelonews heshay si weyn u iftiiminayaan in goobaha kastamada qaarkood dakhliga kasoo baxa ee cashuuruhu laban laabmay, marka loo eego sannadkii hore bishan oo kale heerkii uu marayay dakhliga kasoo xerooda goobahaa.
Is barbardhiga bishii Desembar ee 2009 iyo Desember 2010 ayaa muujinaya faraqa u dhexeeya iyo heerka korodhka dakhilaga ee 15 goobood oo Kastamadda dalka ah. Sida ku cad shaxdan muujinay boqolkiiba inta korodhay goob kasta iyo dakhligii kasoo xeroon jiray markii hore.
Kastamka Dakhliga Devember 2009 Dakhliga December 2010 Farqiga Korodhka: Boqolley/Percentage |
||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||||
|
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380