Hargeysa(ANN)Alla haw naxariistee Cabdi Cali Guddi oo ka tirsanaa ciidanka Bilayska Somaliland ayaa shalay lagu dilay magaalada Hargeysa. Kadib markii sida ay sheegeen warar shebekadda Araweelonews ka heshay saraakisha Bilayska uu nin hubaysani rasaas ku furay duleedka dhinaca galbeed
ee agagaarka Buurta kala jeexan.Askariga dhinatay ayaa ka tirsanaa ciidanka saldhiga Kood-buur ee magaalada Hargeysa. Waxaana la sheegay inuu halkaa u tegey hawlgal la xidhiidha dhinaca amaanka, iyadoo uu goobtaa dilku ka dhacay ka jiray muran dhinaca dhulka ah.
Waxaana marxuumka lagu aasay maanta magaalada Hargeysa. Haseyeeshee ciidanka amaanka oo ilaa shalay ku hawlanaa inay gacanta kusoo dhigaan Ninkii geystay dilka Askarigaa ayaa maanta duhurkii keenay Cusbataalka guud ee Hargeysa maydka marxuum lagu magcaabo Kayd Carab oo ay sheegeen inuu ahaa Ninkii ka danbeeyay dilka Askarigaa. Wararka shebekada wararka ee Araweelonews ka heshay dhinaca saraakiisha Bilayska Somaliland ayaa sheegaya inuu Ninka dilka geystay baxsaday oo ay ilaa shalay ku raad joogeen, balse ay ciidanka iska heleen Wad-Bariis oo ku taala dhinaca Koonfur galbeed ee Magaalada Hargeysa, isla markaana uu isku deyay inuu is difaaco, isagoo hubaysan, sidaana uu ku dhintay markii ay ciidanku tacshiirado rasaas ah ku fureen.
Iyadoo maydka Ninkaa la keenay Cusbitaalka guud ee Hargeysa maanta duhurkii, waxaana halkaa ku sugayay Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Cilmi Rooble Furre, hogaanka Ciidanka Bilayska C/llaahi Fadal iyo saraakiil kale oo Bilyska ah. Maydka marxuumka ayaa la dhigay qolka Maydka.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380