Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay qorshaha shixnado hub ah oo mudooyinkii u danbeeyay laga dejiyay Dekedda Boosaaso iyo ciidamo ay shirkad shisheeye ku tababarayso maamul goboleedka Puntland ee Somalia. Sidaana waxa maanta shaaca ka qaaday
Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo ku hadlayay Afka xukuumadda.
Mr. geel-jire waxa uu sidoo kale digiin u jeediyay masuuliyiinta maamul goboleedka Puntland oo uu sheegay inay mudooyinkii u danbeeyay eedo iyo canbaarayn aan waxba ka jirin kaga imanayeen, isla markaana ay doonayaan inay soo fara geliyaan siyaasada Somaliland, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Ninka wasiirka ee yidhi, “Ciyaaro ayaanu qabanaynaa ee gobolka Woqooyi galbeed iyo Awdal ayaa naga maqan ee ha kasoo qaybgaleen, waxaan leeyahay maanta maaha maalintii la odhan jiray xamar iyo Hargeysa ayaa wada ciyaaraya, iyadoo taliskii uu ka mid ahaa Ninkaasi waqtigaa oo dagaalo ka socdeen Hargeysa iyo Burco waxaa dadka u sheegi jireen, maanta waxaanu nahay 13 gobol oo Somaliland ah, malaha waxaan u qudhqudhsanayn madaxbanaanida iyo qarinamada Somalilaand ee mar kale ayaan ugu celinayaa inay sidaa la socdaan oo aany soo gelin siyaasadayada. Haddaanu ciyaaro doonayno anagaa qabsanayna ayuu yidhi Mr. Geel-jire oo daba socday hadal kasoo baxay masuul ka tirsan maamulka Puntland oo sheegay mar uu xalay ka hadlayay Idaacada BBC-da inay ciyaaro tartan gobolada Somalia ku qabanayaan Garoowe oo ay ku casmeen Woqooyi galbeed iyo Awdal.
Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo ka hadlayay mawqifka xukuumadda Somaliland ee hubka iyo ciidamada la sheegay inay maamulka Puntland ka wado shirkad shisheeye, wuxuu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Hubka ku qulqulaya halkaa iyo ciidamada laga dhisayaa waa mid aanu uga walaacsanahay sida ay mandaqada iyo duwalka kaleba uga walaacsan yihiin, waana la socodsiinay aduunka iyo jamciyada quruumaha ka dhaxaysa.”
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray dawlada wadanka Qatar oo ku guulaysatay qabashada koobka adduunka ee 2022.
wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Xukuumadda Somaliland waxay aad ugu faraxsan tahay guusha weyn ee dalka Qatar ka gaadhay tartankii martigelinta Koobka adduunka ee ay kaga guulaysatay dalal badan oo waaweyn, taasi oo ah markii ugu horraysay ee wadan Islaam ah ama Carbeed uu gaadho guul, magac iyo sharafba u ah guud ahaan caalamka Islaamka..
Sidaasi darteed, Xukuumada Somaliland waxay ku Hambalyaynaysaa dawlada Qatar Marti gelinta Koobka adduunka ee sanadka 2022, waxaanay u rajaynaysaa in ku qabashada koobka adduunka sanadka 2022 ee Doha, uu wax weyn ka bedeli doono xaalada bariga dhexe ka aloosan muddada nusqarniga kor u dhaafay.
Farxadda shacbiga reer Gadar ee guushaasi waa mid ay sidoo kale la wadaagaan shacbiga Somaliland, waxaanay guushani markhaati ka tahay Hoggaaminta wanaagsan iyo siyaasada hufan ee Amiirka dalka Qatar Sh. Bini Khaliifa Al-Taani.”
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com