Hargeysa (ANN) Qoraal kasoo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa lagu sheegay in heshiis laga gaadhay Dilka Taliyihii Ciidanka Asluubta ee gobolka Sool marxuum Cabdi Ciise Nuur oo lagu fuliyay dil qorshaysan 31 August 2010. Gudaha
magaalada Laascaanood.
Qoraalkaa oo uu saxaafada maanta u qaybiyay xoghayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Cismaan Dube, waxaa lagu sheegay inay dilka sarkaalkaa ka heshiiyeen laba beelood, isla markaana qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka ayaa u qornaa sidan;-
“ Waxa heshiis kama dambeys ah laga gaadhay khilaaf u dhexeeyey beelaha Fiqi- Shini iyo Xasan Ugaas kaasoo ku saabsanaa dilkii Taliyihii Ciidanka Asluubta Gobolka Sool, marxuum Cabdi Ciise Nuur oo lagu dilay magaalada Laascaanood taariikhdu markay ahayd 31 August 2010.
Iyadoo waajibaadka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL u xil saaran tahay ay ka mid yihiin sugidda amniga iyo qaboojinta dhibaatooyinka ka dhex dhaca beelaha reer Somaliland, ayaa isla markiiba waxay Wasaaradda Arrimaha Guduhu xil weyn iska saartay siddii xal nabadeed loogu dhameyn lahaa.
labada beelood ee midna marxuumku ka dhintay midna gacantooda ku dhintay aanay colaad iyo dhibaato kale uga sii dhex aloosmi lahayn.
Haddaba 28-kii October 2010, ayaa labada beelood ee walaalaha ah waxay isku soo hor fadhiisteen shir waan- waan nabdeed ah oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool si looga wada hadlo dilkii marxuumka kor ku xusan, waxaana nasiib wanaag ah in shirkaasi ku dhamaaday guul iyo is af-garad dhex maray labada beelood ee walaalaha ah.
Labada beelood ee Fiqi Shini iyo Xassan Ugaas waxay aad ugu mahadsan yihiin dulqaadka ay muujiyeen intii lagu guda jiray xalinta arrintaas, waxa kale oo mahad iyo bogaadin mudan cid kasta oo ka qayb qaadatay xalinta iyo daminta dhacdadaas, sida odayaasha labada beelood, Ugaasyada, Waxgaradka, Xildhibaanada, Culimo –aw- diinka iyo cid kasta oo ka hawl gashay in is af-garad lagu dhameeyo dhacdadaas
Waxaana guul weyn ah siddii dhaqanka Somaliland ahaan jiray in labada beelood ee walaalaha ah wixii kala gaadhay uu ku dhamaaday is af garad iyo wanaag dhex maray labadabeelood.” Ayaa lagu yidhi geba-gebadii qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha.
Hase yeeshee qoraalka noocan ah ayaa noqonaya kii u horeeyay ee noociisa ah inta la xusuusan yahay ee kasoo baxa xafiis masuul qaran, kaas oo lagu xardhay in sarkaalka la dilay oo ahaa Taliyihii Ciidanka Asluubta Somaliland ee gobolka Sool ay dilkiisa ka heshiiyeen laba beelood, iyadoo la ogsoon yahay inuu sarkaalkaa Marxuum Cabdi Ciise Nuur oo lagu dilay magaalada Laascaanood 31 August 2010. Kadib markii lala beegsaday tacshiirad rasaas ah uu ahaa masuul qaran oo huwan sharafta iyo karaamada qaranka, maadaama uu ahaa masuul qaran, isla markaana aanu ahayn qof shicib ah. Sidaa awgeed ujeedo kasta oo laga lahaa dilkaa ayaa noqonay fal lid ku ah qaranimada iyo jiritaanka Somaliland, sidaa darteed waxa layaab noqotay sida ay wasaaradu ugu dhiiratay inay aqbasho heshiis laba beelood oo sheegay inay ka heshiiyeen dilka sarkaalka, iyadoo sarkaalku ahaa mid ka dhintay qaranka, isla markaana ay waajib ahayd inay wasaaradda arrimaha guduha iyo Ha’yadaha ku shaqo lihi sharciga horkeenaan kuwii fuliyay falkaa. Sidaa awgeed qorshaha noocan ah ee masuuliyiinta qaranka shirqoolo lagu dilaa waxay horseedi kartaa dhibaato burburisa milgaha, sharafta iyo karaamada masuuliyiinta qaranka oo dhaawac u geysata nidaamka dawliga ah.
Si kastaba ha ahaatee qoraalka kasoo baxay xafiiska wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa u muuqda mid fadeexad iyo meel ka dhac ku ah nidaamka dawliga ah iyo qaranimada somaliland
Dilka Taliyaha Asluubta Sool ee 31 August 2010. ayaa ahaa kii Lixaad ee loo fuliyo sidan oo kale, iyadoo saraakiil ka tirsan masuuliyiinta gobolka falal dilal qorshaysan loogu fuliyay tan iyo wixii ka danbeeyay dilka taliyihii ciidanka qaranka ee qaybta 12aad Col, Yuusuf Nuur oo November 2009, oo isaga lagu fuliyay qarax kuwa sheeda laga hago ah, kaas oo dilkiisa loo qabtay Taliyihii sirdoonka gobolka ee Maamulkii Rayaale iyo shaqsiyaad kale oo dhowaan maxkamadi ku riday xukun.
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380