Hargeysa (ANN)-Guddoomiyaha Guddida Madaxweynaha Somaliland dhawaan  u magacaabay kasoo talo bixinta furashada Ururada siyaasadda Md. Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa sheegay inay   dhammaadka bishan madaxweynaha u gudbin doonaan  tallooyinkii iyo afkaartii ay

 

soo ururiyeen, isla markaana wuxuu sharaxaad ka bixiyay deegaamada xog ururintoodu u hadhay ee ay doonayaan inay booqdaan.  
Sidoo kale Guddoomiyaha gudidaa Mr. Koore  wuxuu tafaasiil ka bixiyay dhawaaqa  xisbiga UDUB ku  sheegay in laga saaray xubin gudidaasi kaga jirtay oo lagu  magcaabo Yuusuf Ciise Ducaale (Tallaabo) waxaanu, isagoo arrintaa ka hadlaya  yidhi,  “Xixbiga bahweynta UDUB ayaa war-saxaafadeed ka qabtay qaabkii aanu xubinta Guddida Tallo-bixinta Madaxweynaha ugu soo jeedinay  in laga saaro Yuusuf Ciise Ducaale (Tallaabo) oo ka mid ahaa xubnaha gudida kana socday xisbiga UDUB, xisbiga UDUB waxay arrintaasi ka muujiyeen  jawaab aan sida xaqiiqadu tahay ahayn, sababaha aanu Guddi ahaan u soo jeedinay in xubintaa Guddida laga saaro waxa ka mid ah wuxuu ku kacay aflagaadooyin ka dhan ah xubnaha gudida iyo guddoonka, waxa uu si badheedh ah u cadeeyay inuu ka baxay Guddida bilowgii hawsha.”
Gudoomiyaha gudidaa  Saleebaan Yuusuf  Koore oo sharaxaad  ka bixinaya qaabka looga saaray xubintaa gudida waxa uu  yidhi,  “Waxa kale oo uu caqabad ku noqday hor u socodkii iyo hawl maalmeedkii Guddida Tallo bixinta, wuxuu si joogto ah jahawareerin iyo khal-khal gelin ugu sameeyay hawshii Guddida wuxuu iska indho tiray codsiyada iyo tallooyinka ka imanaya Guddida. Wuxuu u badheedhay oo uu caadaystay inaanu qarin sirta Guddida arrintaasi oo dareen gaar ah gudidu ka muujisay,sidaasi ayaanu Madaxweynaha ugu soo jeedinay inuu Guddida ka saaro Yuusuf Ciise,”
Md. Saleebaan Yuusuf  wuxuu sheegay in Madaxweynuhu markii uu Guddidan magacaabayay uu gudanayay Qodob dastuuriya iyo waajib qaran waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland markii uu gudidan magacaabayay wuxuu ku dhaqmay qodob dastuuri ah oo hawshan isaga ayaa iska leh  qodobkaasi oo ah in tallada ummaddu tahay mid ku dhisan hab tallo wadaag ah, Madaxweynuhu  arrintan isagaa awood u leh inuu u  gudbiyo Goleyaasha sharci dejinta.laakiin Madaxweynuhu isagoo qadarinaya ummadda reer Somaliland tallo wadaagna u muujinaya inay  ummaddu xaq u leedahay in Madaxweynuhu ku go’aan qaato ra’yiga bulshada dhammaan gobolada Somaliland ayuu guddidan magacaabay ee may ahayn arrin  uu ula jeeday in xisbiyaddu tallo ka keenaan. Guddidani waa guddi qaran xubin kastaana meel ayay ka timid.waxaana  Gudidu ku shaqaynaysaa hab cod dheeri ah haddii la isku qabto codka gudida Guddoomiyaha ayaa laba cod leh oo ku kala saaraya.”
Guddoomiyaha oo la weydiiyay in haddii xisbiga UDUB ka baxay Guddidii ay sii wadayaan hawshii iyo in kale wuxuu ku jawaabay “Way sii wadaynaa hawsha oo labada xubnood ee UDUB marka laga reebo waxa sii shaqaynaya 18-kii xubnood ee kale. Anigu waxaan ka tirsan nahay Golaha Wakiilada waxaanan ka mid ahay xisbiga UDUB oo aan aasaaseyaashiisii ka mid ahay illaa imikana UDUB ah. Xisbigaasi waa xisbigii tallada dalka hayay 11 sannadood xisbi ah,  xisbi ka dudi kara nin baa Guddi la shaqayn kari waayay arrintaasi waxay dhabar jab ku tahay Hoggaanka UDUB,”ayuu yidhi Md.Saleebaan Cali Koore.
“Hawshan aanu haynaa anaga laftayadu sidii aanu  moodaynay markii hore ma aha,marka dhammaan bulshada Somaliland ee gobol kasta ku dhaqan lala hadlayo oo dhalinyarada, aqoon yahanka,haweenka, salaadiinta iyo bulshada qeybaheeda kala duwan oo dhan wax fudud ma aha markaa imika Hargeysa ayaanu joognaa oo gabo gabo hawsheedii noo maraysaa markaa Gobolada ayaanu u gudbi doonaa. Waxaanu ku rajo weyn nahay inaanu dabayaaqada bishan  Madaxweynaha u gudbino  go’aankayaga,”ayuu yidhi Guddoomiyaha oo maanta u waramayay Laanta Af-soomaaliga ee idaacada VOA-da.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *