Hargeysa(ANN)Guddoomyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Garyaqaan  Jaamac Ismaaciil Shabeel ayaa sheegay in shirkii golaha dhexe ee xisbiga kulmiye la qabanayo  bisha  6 Jun 2011. Sidaa awgeed ay u diyaar garoobaan dhamaan xubnaha golaha dhexe.    Garyaqaan

 

Jaamac Shabeel waxa uu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu maanta soo gaadhsiiyay shebekada wararka ee Araweelonews.
Qoraalka uu soo saaray gudoomiyaha golaha dhexe, wuxuu isagoo dhamaystiran u qornaa sidan:-
“Ujeedo  qabasho shirka golaha dhexe ee xisbiga kulmiye, waxaan maanta o ay bishu tahay 6 April 2011, ku dhawaaqayaa in la qaban doono shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye taariikhdu markay tahay 6 June 2011.
Sidaa darteed waxaan ka rajaynayaa dhamaan xubnaha golaha dhexe inay u diyaar garoobaan, siday uga qaygeli  lahaayeen   shirka, iyada oo  shirku waqtigiisii  dastuuriga ahaa dib uga dhacay laba jeer oo hore duruufo jiray awgood.” Ayaa lagu yidhi qoraalka gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye. 
dhinaca kale dhawaaqa kasoo baxay gudoomiyaha golaha dhexe ee Kumiye ayaa kusoo beegmay iyadoo ay xiligan gudi uu madaxweyne Axmed siilaanyo u saaray kasoo tala bixinta ururada siyaasada ay weli ku laalantahay natiijada xogtii iyo macluumaadkii ay soo ururiyeen, iyadoo dhinaca kalena doorashooyinka golayaasha deegaanka la filayo in la qabto Dec, 2011.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *