xuska Ethiopia4Jig-jiga(Arraweelo News Network)Munaadibad si weyn loo agaasimay oo lagu xusayay maalinta Qowmiyadaha dalka Ethiopia oo ay ku nool yihiin 85 qowmiyadood oo oo leh 9 ismaamul dawladeed, isla markaana

wada hoostaga Dawlada Federaalka Ethiopia ayaa laga xusay Maanta magaalada xarunta u ah Kililka shanaad ee Soomaalida Ethiopia oo xaruntoodu tahay Jig-jiga.
Xuska munaasibadaa oo ahaa kii sideedaad oo markii u horaysay lagu qabto Jig-jiga, waxa kasoo qaybgalay madaxda dalka Ethiopia ee heer Federaal iyo maamulada kililada uu ka koobanyahay dalkaasi. Sida Raysal Wasaaraha Ethiopia Haile-mariam Desalegn,Afhayeenka Aqalka Shacabka DFI Mudane Abadula Gamade,Afhayeenka Aqalka-Federationka Mudane Kase T. burhan

xuska Ethiopian 1xuska Ethiopian3
Sidoo kale wax aka qaybgalay wufuud ka socotay mandaqada geeska Afrika oo ay mid yihiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele,  Afhayeenka Baarlamaanka Dalka Kenya Mudane Juus,Wafti ka socday Koonfurta Sudan,Wasiirka Wasaarada warfaafinta dawlada Federaalka ee Somalia C/llaahi Ciilmooge Afhayenka Baarlamaanka dawlada Rwanda , Madxweynaha Puntland  Cabdiraxmaan Faroole, madaxda maamulada kale ee Somaliya ee  Jubaland Mudane Sheekh Axmed Madoobe iyo masuuliyiin kale.

Waxa kale oo munaasibadaa ka qaybgalay madax ka socota Beesha Caalamka, kuwaas oo isugu jiray  masuuliyiin ka socota Ururka Midowga Yurub, QM, Midowga Afrika, Safaarado iyo Diplomaasiyiin Kale.

Xuska munaasibadaa oo lagu soo bandhigay waxyaabo la yaab leh, waxa  oo hal ku dhig looga dhigay dastuurkeenu waa gundhiga dib u curashadeena, nidaamkeenu fadaraalku waa aas aaska wada noolaanshaheena iyo midnimadeena , dastuurkeenu waa isha mid nimadeena isku dulqaadashadu waa xoojinta dumuqoradiyada, dastuurkeena ayaa sinaanshaha diimaha iyo qoomiyadaha dardaarankii Malas waxaan  u gudbinaynaa jiilka soo socda, weedhahaa iyo kuwo kale ayaa lagu soo bandhigay halku dhegyo lagu xardhay muuqaalo yaab leh.
Madaxweynaha Dawlad goboleedka Jig-jiga oo munaasibada marti loogu aha Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu mahad celiyay madaxda ka aqbashay martiqaadka iyo kasoo qaybgalka munaasibadaa.
doobiga1xuska Ethiopian 2

Sidoo kale wuxuu  ku hanbalyeeyay wakiilada ka socday Beesha Caalamka,Diplomaasiyiinta Safaaradaha,Madaxweynayaasha Deegaanada iyo Dhamaanba Qowmiyadaha iyo Shucuubta Ethiopia  ee kasoo Qaybgashay Munaasabada, wuxuuna sharaxad ka bixiyay ujeedada munaasibadaa iyo taariikhda dalka Ethiopia.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Ismaamulka Jig-jiga, waxa uu sheegay in ay ahay Fursadihii Dimoqraadiyadeed ee ay ka heleen Shacabka Soomaalida Ethiopia Dhaxalka Dastuurka ka Askumay Halgankii Qadhaadhaa ee ay EPRDF Xukunka kaga Tuureen kaligii-Taliskii Faashiistiga ahaa ee Mingistu, wuxuuna tusaale usoo qaatay Ethiopiayad maanta iyo Ethiopiayadii shalay ee Shuuciga ahayd oo ku tilmaamay mid Dhiig-miirad ahayd  oo sabab u ahayd  Gumaadka Cadaadiska iyo  Dibu-dhac is Huwanaa iyo Ethiopiayada maanta oo ku sifeeyay mid  Iftiinka Dimoqraadiyadeed ee ka Curtay halgankii EPRDF Yididiilada lagu ilaaway Diiftii Shalay.

Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu dhaleeceeyay Xukuumadda Asmara oo uu sheegay in ay usoo adeegsadan koox uu ku sheegay nabadiidka UBBO, kuwaas oo uu sheegay in hada la suuliyay oo laga dhameeyay deegaanka.

Raysal-wasaare Haile Maram oo ka hadlay munaasinadaa ayaa qiray in ay tahay xuska munaasibadaa loo sameeyo tii ugu balaadhnayd, wuxuuna ku amaanay Madaxweynaha Maamulka Jig-jiga Cabdi Maxamuud iyo dadka deegaanka oo  Diyaargaawgii Xuskan Maalinta Hidar 29 si layaab leh usoo abaabulay.

Sidoo kale waxa munaasibadaa ka hadlay Madaxwaynaha Dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo masuuliyiin ka socotay dalalka kale iyo kuwa Somalia qaarkood, waxayna dhamaantood ku tilmaameen xuska munaasibadaa mid qiima leh oo ay ku amaaneen Madaxweynaha Maamulka Kililka Shanaad Ee Ethiopia .

Munaasibada waxa lagu soo bandhigay dhaqamada iyo xadaradaha qowmiyadaha kala duwan oo lagu muujinayay Ciyaaro, suugaan iyo muuqaalo kale oo ka turjumaya qowmiyadaha, waxaana waxyaabihii ugu yaabka badaan ee lagu arko intii munaasibadu socotay ka mid ahaa  Qowmiyadaha, Horumarka, Injineerkii Meles oo ka socday deegaanka Jig-jiga ayaa kusoo bandhigay halkaa Hadhuubkii ugu weynhaa ee dunida lagu arko oo boqolaal dad ah ay caano ka cabayaan, kaas oo ka sareeya jooga dadka sida ka muuqata sawirka.
Doobiga ama hadhuubka Gorofka oo Caano geel dhawr Foosto lagu qiyaasay ka buuxaan waxa uu noqday muuqaalkii ugu yaabka badnaa ee waxyaabihii lagu soo bandhigay xuska munaasibadaa.

arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *